Xuska Maalinta Caalamiga ah ee la dagaalanka Musuqmaasuqa

Xuska Maalinta Caalamiga ah ee la dagaalanka Musuqmaasuqa oo ku asteysan 9 December oo ay si wadajir ah Usoo Qaban qabiyeen/agaasimeen
Komishanka Maamul wanaaga ee Qaranka Jamhuuriyada Somaliland, Xafiiska Hanti dhaawaraha Guud ee Qaranka & Gudida ilaalinta iyo dabagalka Hantida Qaranka ee Golaha Wakiilada Somaliland ayaa maanta ka Furmay Hotel Ambassador ee Magaalada Hargeisa.
Waxaana kaso qeyb galay Gudoomiyaha Komishanka Maamul wanaaga Qaranka Dr Adan Ahmed iyo gudoomiyee ku xigeenka Komishanka qaranka Garyaqaan Madar iyo Agaasimaha Guud ee komishanka Maamul wanaaga Jamhuriyada Somaliland Deka Hashi iyo Hawla wadewnada kala duwan ee komishanka maamul wanaaga jsl.
Waxa kalo kasoo qeyb galayay Hanti dhawaraha guud ee qaranka
Duqa caasimada Hargeisa
Agaasimaha guud ee Banka dhexe jsl
Xisaabiyaha guud ee Qaranka iyo
Agaasiyaasha guud ee laamaha dawlada iyo marti sharaf kalo badan.
Waxay dhamaan masuuliyiintii halkaa ka hadley ku dheeraadeen ahmiyada ay leedahay maalinta caalamiga ah ee la dagaalanka musuqmaasuqa oo maanta ku asteysan.
Waxay kalo aad ugu dheeraadeen ina la cidhib tiro musuqmaasuqa oo la gaadhsiiyo halka ugu hooseysa Taas oo ka dhigan in xukumada uu Gadhwadeenka ka yahay madaweymaha Jamhuuriyada Somaliland Dr Cabdiraxman Maxamed Cabdulahi Ciro ay ka go,an tahay in lala dagaalamo Musuqmaasuqa nooc kasta oo u yahay.
Taas oo ay dhamaan masuuliyiinti hadalka isaga kala danbeyey ka hadleen dhibatada u musumaasuqu u leeyahay Haayadaha kala duwan ee Qaranka iyo Bulshadaba.
Xafiiska xidhiidhka Saxaafda ee KMW.