Waaxda Qorshaynta Ee Komishanka Maamul-wanaaga
Waaxda Qorshaynta KMW
Waaxda Qorshayntu waxay Komishanka ugu xilsaarantahay Qorshaynta, isku dubaridka Mashaariicda, ka qaybqaadashada diyaarinta Miisaaniyadaha, dabagalka iyo qiimaynta mashaariicaha. Waaxda qorshaynta Komishanka Maamul-wanaaga waxay wakiil uga tahay Sectorka Dawlad Wanaaga ( Governance Sector) oo kamida tiirarka Qorshaha Hormarinta Qaranka ee Labaad (NDPII).
Komishanku wuxuu Sectorka Maamul-wanaaga ka yahay Xoghaynta Guud. Waaxda qorshayntu iyadoo wakiil ka ah Komishanka Waxay isku dubaridaa qorsheyaasha Wadaagaha Maamul-wanaaga, diyaarinta shirarka kala duwan iyo warbixinaha kala duwan ee Kulamada wadaagaha. Waxaana sector Gudoomiye u ah Wasaarada Arimaha Gudaha.
Sidoo kale Waaxda qorshayntu waxay isku dubaridaa qorsheyaasha gaarka u ah Komishanka Maamul-wanaaga iyo waxa ka ka fula oo ay waaxdu warbixin ka soo saarto markasta oo sanadku dhamaado. Waaxda qorshayntu waa waax halbowle u ah Komishanka Maamul-wanaaga.
1-Qaabdhismeedka Waaxda
Waaxda qorshaynta ee KMW waxay ka koobantahay sadex qaybood (Section) oo kala ah.
- Qaybta qorshaynta iyo siyaasada ( Planning and Policy section)
- Qaybta Cilmibaadhista iyo Statisticska ( Research and Statistics Section).
- Qaybta Xidhiidhinta Mashaariicaha ( Project Coordination Section)
2-Qaybta Qorshaynta iyo siyaasadaha
Qaybta qorshaynta iyo siyaasadaha waajibaadkeeda waxa kamida kuwan hoos ku xusan, laakiin inta halkan ku xusan kuma koobna.
- Ka qaybqaadashada diyaarinta Strategic Planka Komishanka Maamul-wanaaga.
- Diyaarinta Qorshehawleedka Komishanka Maamul-wanaaga ( Annual Workplan)
- Dib u eegista Qorsheyaasha kala duwan ee ay soo gudbiyaan Hayadaha Dawlada eek u jira Wadaagaha Maamul-wanaaga ( Governance Sector)
- Dib u eegista Qorsheyaasha Sanadlaha ah ee Komishanka Maamul-wanaaga waxa ka qabsoomay iyo diyaarinta waxqabadka Komishanka ee sanadlaha ah.
3-Qaybta Cilmibaadhista & Statistikada
Qaybtani waa qayb muhiima waxaanay Komishanka uga masuul uga tahay Statikada iyo cilmaadhisaha kala duwan ee Komishanka Maamul-wanaagu fuliyo. Masuuliyadaheedana waxa kamida kuwan hoos ku xusan.
- Cayimida xogta Komishanka maamul-wanaagu u baahan yahay iyo qalabka xogtaasi lagu soo ururin lahaa ( Tools).
- Ka qaybqaadashada Cilmibaadhisaha kala duwan ee Komishanka maamul-wanaagu fuliyo.
- Isku dubadridka xogta iyo soo saarida xogaha kala duwan ee komishanku ugu baahan yahay tiiyoo adeegsanaysa Xeerka istaatistikada qaranka.
4-Qaybta Isku dubaridka Mashaariicaha
Qaybtani Komishanka Maamul-wanaaga waxay ugu xilsaaran tahay isku dubaridka Mashaariicaha kala duwan ee Komishanka Maamul-wanaagu fuliyo iyo isku dubaridka Mashaariicaha kala duwan ee Komishanka Maamul-wanaagu dabagalka iyo Qiimaynta ku hayo, sida kuwa ku jira Miisaaniyada Qaranka iyo Kuwa caalamiga ahba.