Komishanka Maamul Wanaagga ayaa qayb ka ahaa dood cilmiyeed

Komishanka Maamul Wanaagga ayaa qayb ka ahaa dood cilmiyeed lagu lafa gurayey Isu dheelitirka maamulka iyo codka bulshada Maalintii 1aad ee Barnaamijka ololaha Halyeyyada Maamul Wanaagga iyadoo xoogga la saarayo maamul daadejinta.
Mawduucan falanqayntiisa ay ka qayb qaateen Commissioner Jaamac Aadan Maxamed (Jirde) iyo Agaasimaha Maamul Wanaagga ee Komishanka Cabdilaahi Maxamed Bile oo metelayay Komishanka Maamul Wanaagga iyo Garyaqaan Farduus Maxamed Dheere oo metelaysay Bulshada Rayidka ah.
Doodan ayaa qayb ka ahayd Barnaamijka Halyeyyada Maamul Wanaagga oo ay iska kaashadaan Komushanka Maamul-wanaagga, Machadka ISIR iyo Accountability Lab