Tababar loo qabtaya agaasime waaxeedyada
Guddoomiyaha Komishanka Maamul-wanaagga Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si rasmi ah u xidhay tababar laba cisho socday oo lagu horumarinayay xirfadaha shaqo ee Agaasimayaasha Komishanka.Guddoomiyuhu waxa uu Agaasimayaasha kula dardaarmay inay si buuxda uga faa’iidaystaan aqoonta iyo waayo-aragnimada ay tababarka ka korodhsadeen, isla markaana ay ku dabaqaan gudashada waajibaadkooda shaqo si hufan oo masuuliyad leh. Waxa uu sidoo kale xusay muhiimadda ay leedahay wada-shaqaynta, isla xisaabtanka, iyo kor u qaadista tayada shaqada si loo xoojiyo adeegyada iyo hannaanka maamul-wanaagga ee hay’adda.
Xafiiska war-isgaadhsiinta Komishanka Maamul Wanaaga JSL.
Allaa Mahad Leh.
