
Komishanka maamul wanaaga jsl.
........Hargeisa........23-24/12/2025 Komishanka maamul wanaaga jsl.
Guddoomiyaha Komishanka Maamul Wanaagga Mud Dr Aadan Axmed Daahir ayaa maanta ufuray tababar aqoon korodhsi ah una furay Agaasimayaasha xafiiska Komishanka mamaul wanaaga jsl aqoon korodhsigaas oo ku saabsanaa kor u qaadida maamul wanaagga iyo ka hortagga musuqmaasuqa iyadoo laga duulayo halbeegyada caalamiga ah iyo hal abuuryada xakamaynta musuqmaasuqa(Good Governance and corription prevention International standards and inovative tools).
Aqoon korodhsigan ayaa waxaa bixinaya Khubaro ka socota Hay’adda UNDP xafiiskeeda Hargeysa.
Aqoon korodhsigan ayaa waxaa qayb ka ahaa Guddoomiye xigeenka Garyaqaan madar Siciid Xassan iyo Agaasimaha Guud ee KMW Ms Deeqa Haashi Xandule iyo Komisheenerada Komishanka maamul wanaaga jsl.
Aqoon iswaydaarsigan ayaa socon doona muddo laba cisho ah oo kutaariikhaysan 23-24/2025
