Waaxda Maamulka & Maaliyada Ee Komishanka Maamul-Wanaaga

Komishanka maamul-Wanaagu waa komishan qaran oo xukumadeed oo lagu asaasay wareegto madaxwayne oo sumadeedu  tahay  No 0048/08/2010 kuna taariikhaysan  26/8/2010 waxaana golayaasha sharci dajintu ku ansixiyeen xeerka 58/2012 sanadkii 2012 iyadoo xeer madaxwayne lagu dhaqan galiyey 03/02/2013 sidaa darted komishanka maamul-wanaagu waa guddi madax banaan oo is maamusha loona dhisay in ay si buuxda masuul uga ahaatoAbuurida iyo daryeelka dhaqan maamul wanaagsan iyo nidaam dawladeed oo ka nadiif ah dhamaan noocyada maamul-xumada iyo musuqmaasuqa.

Hadaba komishanka maamul-wanaagu wax uu lee yahay waax u qaabilsan Maamulka & Xisaabaadka ( Admin & Finance Department) Ujeedada guud ee waaxdan loo sameeyey ayaa ah lafdhabarta hawl socodsiinta xafiiska, waxa ay shaqadeedu u badan tahay shaqooyin joogto ah oo soo noqnoqda sida diyaarinta Warranada  Mushaharooyinka & Voucherska kale ee kharash socodsiinta oo sadex biloodlaa, dayactirka & ilaalinta nidaamka gaadiidka xafiiska, kaydinta xogta xafiiska, soo dhawaynta soo bookhdayaasha Xafiiska, la socoshada & hirgalinta dalabaadka xafiiska  ilaalinta nadaafada goobta shaqo iyo fayo dhowrkeeda iyo ilaalinta amaanka xafiiska si ay goobta shaqo u noqoto meel dagan oo amnigeedu sugan yahay.

Iyada oo waaxdu qayb weyn ka ah fulinta dhamaan qorshayaasha Komishanka oo hawl walba dhankeeda kasoo gasha una fududaysa waaxyaha kale u qabsoomida qorshayaasha assasiga ah ee wax qabadka guud ee qaranka.

Qaabdhismeedka Waaxda Maamulka & Maaliyada.

Waaxda maamulka & Maaliayada ee KMW waxay ka kooban tahay qaybahan kala duwan ee hoos ku xusan.

1.Qaybta  maamulka  (Admin Section)

2.Qaybta  xisaabaadka (Accountant Section)

3.Qaybta  Khasnajiga (Cashier Section)

4.Qaybta iibka (procurement Section)

5.Qaybta diwaan galinta hantida Komishanka ( Asset Registration)

6.Qaybta kaydka xogta xafiiska (Archive Section)

7.Qaybta Xoghaymaha & Soo dhawaynta xafiiska  (Secretaries & Reception)

Qaybta Gaadiidka (Transportation Section)

Qaybta Nadaafada ( Clening Section)

Qaybta Ilaalada ( Security Section)