Waaxda Ladagaalanka Musuqmaasuqa Ee Komishanka Maamul-wanaaga
LADAGAALANKA MUSUQMAASUQA
Komishanka Maamul Wanaaga waa Komishan qaran oo xukuumadeed oo lagu dhisay wareegto madaxwayne tirsigeedu yahay 0048/08/2010. maalintay taariikhdu ahayd 26/8/2010. Iyadoo uu baarlamaanka somaliland ansixiyey xeerkiisa xeer lr 58/2012, si uu komishanku u noqdo mid haysta madaxbanaanidiisa. Ayaa wuxuu u xilsaaran yahay toosinta gal-daloolooyinka maamulka ee hay’adaha dowlada iyo katala bixinta waxkasta oo bulshada dan u ah, hubinta qaabka loogu fuliyo adeega bulshada si ay u helaan baahiyahooda, xaqiijinta qaabka masuulku u gudanayo masuuliyadiisa.
Hadaba Waaxda ladagaalanka musuqmaasuqa oo ah lafdhabarta komishanka ayaa waxay u xilsaaran tahay cabashada bulshada, baadhitaanada iyo shuruucda. Faahfaahinta sadexdan qaybood (3 section) waxa ay qabtaan:-
Qaybta Cabashada: waxay qaabilsan tahay in ay eegto cabashada soo gaadha xafiiska tasoo sharciyaqaanka xafiiska iyo Agaasimaha waaxdu wada eegaan xadka ay gaadhsiisan tahay cabashadu hadii ay noqoto mid qofka ama dadka cabanaya loogu gaystay xad gudub waxa madaxda xafiiska iyo waaxduba Ka hawlgalaan xaqiiqo raadinteeda tasoo baadhitaano ay ka sameeyaan isagoo komishanku adeegsanaya xeerkiisa Qodobka 6aad farqadiisa 8aad ee baadhista ku tagrifalka awooda maamul. Iyo Qodobkiisa 17aad oo u dhigan baadhista xaqiijinta iyo warbixinada la xidhiidha tibaaxaha Maamul Xumo iyo wax iswaydaarinta. Komishanka waxaa cabashada lagala soo xidhiidhaa numberka 9449.
Qaybta Baadhitanada: waaxda ladagaalanka musuqu waxay u xilsaaran tahay kormeerada dabagal tasoo raacda qodobka 6aad farqadiisa 5aad oo u dhigan sidan baadhista iyo dabogalka galdaloolooyinka maamul. Sidoo kale qaybtan baadhitaanadu waxay adeeg sataa qodobada kor ku xusan ee qaybta koowaad kujira. hadaba qaybtan baadhitaanada oo mihiim u ah qaranka iyo komishankaba ayaa waxay kormeero ka samaysaa hay’adaha dowlada iyo cabashada xafiiska soogaada wixii u baahan in baadhitaano xaqiiqo raadina lagu sameeyo. Tasoo u gudbisa madaxda komishanka waxa ka soo baxa hawgaladaa.
Qaybta Shuruucdu: Komishanku maaha sharcidajiye mana aha mid faafiya shuruucda balse isagoo raacaya xeerkiisa lr 58/12. qodobka 6aad farqadiisa 2aad ee ah Dersidda iyo qiimeynta nidaamka maamul ee Hay’adaha Dawladda iyo ka soo talo bixinta habka lagu toosinayo. ayaa qaybtani dhinaca sharciga ka eegta wixii habsami u socodka hay’adda caqabad ku ah taasoo talo bixino ka soo saarta ee dhinaca shaqada hay’ad qabato iyo mandate hay’addi sharci u leedahay.
Waxa intaa u dheer waaxda in ay kormeero ka samayso saacadaka shaqada kasoo xeerka komishanku dhigayo 6aad farqadiisa 9aad ahna xaqiijinta in shaqaalugu guteen saacadihii loogu talo galay sidoo kalena ay bixiyeen adeegii bulshada ay u hayeen. Waxa sidoo kale ay waaxdu ka hawlgashaa xilwareejinada tasoo sugta hantida lala kala wareegay iyo in masuulku wax iswaydaariyay.