Waaxda Wacyigalinta Ee Komishanka Maamul-wanaaga
Komishanka Maamul-wanaaga
Komishanka Maamul Wanaagu waa Komishan qaran oo xukuumadeed oo lagu aasaasay Wareegto Madaxweyne oo sumadeedu tahay No: 0048/08/2010, kuna taariikhaysan, 26/8/2010. Waxaana Goleyaasha sharci dejintu ku ansixiyeen Xeerka Maamul wanaagga Xeer No: 58/2012 sannadkii 2012, iyadoo xeer madaxweyne lagu dhaqan galiyey 03/02/2013. Sidaa darteed, Komishanka Maamul-wanaagu waa guddi madaxbanaan oo ismaamusha, loona dhisay inay si buuxda masuul uga ahaato, abuurida iyo daryeelka dhaqan maamul wanaagsan iyo nidaam dawladeed oo ka nadiif ah dhamaan noocyada Maamul-xummadda iyo musuqmaasuqa.
Haddaba Komishanka Maamul-wanaagu waxa uu leeyahay Waax u qaabilsan Wacyigalinta Bulshada iyo Xukuumadda, magaceeduna yahay “Waaxda Wacyigalinta (Public Awareness Department). Xeerka Komishanka qodobkiisa Lixaad, farqadiisa sadexaad ayaa lagu cadeeyey in Komishanka Maamul-wanaagu ku wacyigaliyo Hay’addaha Xukuumadda Nidaamka toosan Ee Maamulka si horumar looga gaadhi karo hirgalinta hanaanka maamul-wanaaga Ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Ujeedada guud ee waaxdani waa in la helo bulsho ka nadiif ah dhamaan noocyadda Maamul-xumadda, musuqa iyo wax-isdaba-marinta iyadoo la adeegsanayo nidaamyo wacyigalineed oo ku haboon in bulshada la gaadhsiiyo barnaamijyada iyo fariimaha Wacyigalinta Komishanku soo-saaro. Waaxda Wacyigalinta Ee Komishanka Maamul- waxay u xil saaran tahay, Diyaarinta, fulinta Barnaamijyo wacyigalineed oo lagu toosinayo maamulka dawladda, isla markaana laga hortegayo maamul-xumadda iyo Musuqa. Barrida hanaanka Maamul-wanaaga Bulshada iyo Masuuliyiinta dawladda (Rights and Duties), Diyaarinta, isku-dubaridka iyo qaabaynta tababarada Wacyigalinta iyo kulamada lagu curinayo fariimaha wacyigalinta. Si kastaba ha ahaatee, Waaxda Wacyigalintu waxay laf-dhabar u tahay Komishanka maamul-wanaaga, waxayna u taagan tahay isku-xidhka Komishanka iyo bulshada Somaliland, waajibaadkeedana waxa ka mid ah hawlahan hoos ku xusan:-
Soo-jeedinta, Diyaarinta, soo-saarista iyo fulinta Barnaamijyo wacyigalineed oo lagu toosinayo hanaanka dawladda.
Soo jeedinta barnaamijyada Wacyigalinta Ee lagu horumarinayo maamul-wanaagga, si loo xaqiijiyo himilada Komishanka Ee ah in Somaliland noqoto dalk ku dhisan maamul-wanaaga,dadkeeduna ku nool-yihiin sinnaan iyo caddaalad.
A-Ku-wacyi-gelinta Nidaamka toosan inay raacaan hay’addaha dawladdu si loo horumariyo hanaanka maamul-wanaaga.
B-Abaabulida, qabashada iyo fulinta kulamada iyo doodaha lagu barrayo hawl-wadeenada dawladda iyo bulshadaba Maamul-wanaaga.
C-Qaabaynta,Tifaftirka iyo soo-saarista Daabacaadaha Komishanka Maamul-wanaaga.
D-Faafinta Siyaasadaha, Habraacyada, Hageyaasha, Cilmi-baadhisaha iyo dhamaan warbixinada Komishanku diyaariyo dhamaadka sannad-walba si loo gaadhsiiyo Bulshada iyo cidda kale Ee ay khusayso.
E-Xoojinta Xidhiidhka ka dhexeeya hay’addaha ka wada shaqeeya arimha Wacyigalinta Qaranka.
F-Diyaarinta, soo-saarista, Daabacaada iyo faafinta Agabka Wacyigalinta Ee Komishanka.
- Qaab Dhismeedka Waaxda Waciygalinta
A- Qaybta Saxaafada
B- Qaybta Daabacaadaha
C- Qaybta waciygalinta
D- Qaybta Xidhiidhka Dadwaynaha.