
Shirweynaha Wadatashiga Maamul Daadajinta Adeegyada aasaasiga ah
Axad, 21.12.2025: Shirweynaha Wadatashiga Maamul Daadajinta Adeegyada aasaasiga ah..................................................Gudoomiyaha Komishanka Maamul Wanaaga Dr, Aadam Axmed Daahir oo uu Weheliyo La-taliyaha Shuruucda iyo Tayeynta Hay'addaha Dawladda ayaa ka qayb shirweynaha Wadatashiga Maamul Daadajinta Adeegyada Aasaasiga ah, kulankaas oo ay ka soo qayb galeen wasiirka wasaarada Waxbarashada,Wasiirka Wasaarada Shaqo-galinta,Arimaha Bulshada iyo Qoyska, agaasimaha Guud ee Wasaarada H.Caafimaadka, kuxigeenka Xisaabiyaha Guud, Agaasimaha Ururka ALGASL iyo badiba Maayarada Dalka.
Gudoomiyaha Komishananka Maamul Wanaaga hadal uu madasha ka jeediyey ku iftiimiyey inay soo dhawaynayaan ka komishan maamul wanaag ahaan kulankan lagu gorfaynayo Maamul daadajinta iyo adeeg bixinta adeegyada aasaasiga ah,isla markaana ku bogaadiyey adeegyada la daadajiyey kulana dardaarmay in la sii xoojiyo maamul daadajinta.
Gabagabadii gudoomiyuhu waxaa tilmaamay in Komishanka Maamul Wanaagu qiimayn iyo kormeer ku samayn doono heerka Maamul daadajineed iyo adeeg bixineed ee hay'addaha Dawladda.
Waaxda Wacyigalinta & Xidhiidhka Saxaafada
