
Komishanka Maamul-wanaagga,
GuddoomiyahaKomishanka Maamul-wanaagga, Dr. Aadan Axmed Daahir, iyo Komishineer Cabdiwahaab Faarax Nuur ayaa maanta ka qayb galay xafladda xil-wareejinta Badhasaabka cusub ee Gobolka Daad-Madheedh.
Guddoomiyaha Komishanka Maamul-wanaagga, Dr. Aadan, oo munaasabadda hadal ka jeediyey, ayaa uga mahadnaqay Badhasaabkii hore ee gobolka dedaalkii iyo shaqadii uu muddadii xilka hayey qabtay. Sidoo kale, waxa uu si diirran u soo dhaweeyey Badhasaabka cusub ee Gobolka Daad-Madheedh, isaga oo Alle uga baryey in uu ku asturo masuuliyadda culus ee uu u igmaday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).
Ugu dambayn, Guddoomiyuhu waxa uu Badhasaabka cusub ku boorriyey in uu xoojiyo hirgelinta maamul-wanaagga, korna u qaado wada-shaqaynta iyo is-kaashiga hay’adaha kala duwan ee Dawladda.
