
Shirka maamul wanaaga iyo Abaalmarinta halyeeyada sanadka 2024.
Shirka maamul wanaaga iyo Abaalmarinta halyeeyada sanadka 2024.°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°
Shirka maamul waanaga oo sanadkii labaad ka qabsoomay magaalada Hargeisa, waxaanu qayb ka yahay ololah halyeeyda mamul wanaaga, oo iska kaashadeen, Machadka ISIR, Accountability Lab iyo Komishanka Maamul-Wanaaga JSL .
Shirkan oo socday mudo laba cisho ah, mudadii uu shirku socday waxa Lagu bandhigay dood cilmiyeed ku saabsan "Dib u dhiska kalsoonida shacabka ee adeega dadwaynaha iyo kor u qaadista Adeegga Dadweynaha iyo Dib-u-habaynta Hay'adaha ee Dawlada" doodan oo ay qayb ka ahaayeen Khabaro iyo xildherayaal dhanka maamul wanaaga iyo dawladnimada.
Sidoo kale komishanka maamul wanaagu waxa uu ku soo bandhigay cilmibaadhis ay sameeyeen oo ku saabsan "Fahanka murugsanaanta masuuliyaddaha hay'addaha dawladda iyo siyaasaddaha is khilaafsan ay ku yeeshaan adeeg siinta shacabka"
Sidoo kale halyeeyadii sananadii hore waxay soo bandhigeen siday abaalmarintii la siiyay shidal ugu noqotay shaqadii ay bulshada u hayeen.
Intii uu shirku socday waxa ka hadlay masuulinta kala duwan ee dawlada iyo xubno ka socday ururada bulshada rayidka ah.
Maanta ayaa gudoomiyaha Komishanka Maamul-wanaagu soo gabagabeeyay shirwaynahan.
Waxana abaalmarin la gudoonsiiyay Shanta guulayse ee halyeeyada maamul wanaaga loo aqoonsaday sanadka 2024.
Allah Mahad Leh
#xafiiska Wacyigalinta&Xidhiidhka Dadwaynaha Ee Komishanka Maamul Wanaaga JSL.