
Komishanka Maamul-Wanaaga JSL . . ayaa maanta soo agaasimay kulan lagu gorfeynayey Istaraatijiyadda 2025-2027 ee Xafiiska Komishanka Maamul-Wanaaga
Tar:24/08/2025 HargeisaKomishanka Maamul-Wanaaga JSL . . ayaa maanta soo agaasimay kulan lagu gorfeynayey Istaraatijiyadda 2025-2027 ee Xafiiska Komishanka Maamul-Wanaaga oo ka dhacay hotal Baraar ee Magaaladda Hargeysa.
Kulanka waxa ka soo qeybgalay madaxda shaqaalaha Komishanka Maamul-Wanaaga, iyo ururada bulshada rayidka ah ee ka hawlgala arrimaha maamul-wanaaga, dimuqraadiyadda, iyo adeeg daadejinta oo ay ka mid ahaayeen CDG iyo YOVENCO.
Ugu horeyn waxa kulanka furtay Agaasimaha Guud ee Komishanka Maamul-Wanaaga marwo Deeqa Xaashi, oo ka hadashay ahmiyadda kulanka la tashi ee lagu gorfeynayey Istaraatijiyadda Maamul-Wanaaga.
Agaasimaha guud waxa ay soo dhaweysay una mahadnaqday dhammaan ka soo qeybgalayaasha soo ajiibay yeedhmadii kulankan, Sidoo kale waxay hoosta ka xariiqday ahmiyadda ay u leedahay Istaraatijiyaddu xafiiska Maamul-Wanaaga.
Waxa isaguna ka hadlay Kulanka guddoomiye ku xigeenka Komishanka Maamul-Wanaaga Garyaqaan Madar, oo is dultaagey sida ay muhiimka u tahay wada tashigan labaad ee Istaraatijiyeda Maamul-Wanaaga u leedahay, sidoo kalena wuxu guddoomiye ku xigeenku u mahadnaqay cid kasta oo ka soo qeyb gashay kulanka isla mar ahaantaana arrimaha iyo talo ku kordhisay Istaraatijiyedda Komishanka Maamul-Wanaaga ee 2025-2027.
Agaasinka Qorsheynta ee Komishanka Maamul-Wanaaga ayaa soo bandhigey nuxurka Istaraatijiyadda Komishanka Maamul-Wanaaga ee 2025-2027, taas oo diiradda saareysa sidii loo horumarin lahaa Komishanka Maamul-Wanaaga Qaranka isla mar ahaantaana si guud loogu horumarin lahaa hannaanka maamul-wanaaga ee xafiisyadda dawladda, sidoo kalena kor loogu qaadi lahaa wacyiga iyo baraarugsannaanta muwaadiniinta ee ka qayb ahaanshaha maamul-wanaaga.
Ugu dambeyn waxa kulanka soo xidhey guddoomiyaha Komishanka Maamul-Wanaaga Dr. Adan Axmed, oo sharaxay ujeeddooyinka guud ee Istaraatijiyedda Komishanka Maamul-Wanaaga ee 2025-2027.
Guddooomiyuhu wuxu ku tilmaamey Istaraatijiyeddani in ay tahay mid la jaanqaadeysa masuuliyadda Komishanka Maamul-Wanaagu u igmanyahay, sidoo kalena waxa uu sheegay in Istaraatijiyeddani ay la xidhiidho Qorshaha Xukumadda ee lagu horumarinayo nidaamka maamul-wanaaga.
Gebagabadii hadaljeedinta guddoomiyuhu wuxu ugu mahad celiyay cid kasta oo ka soo qeyb gashay kulan tashiga labaad ee Isataraatijiyedda Komishanka Maamul-Wanaaga, wuxuna sidoo kale ku sheegay in daahfurka Istaraatijiyedda la qaban doona horaanta bisha sagaalaad ee inagu soo aadan.
Allah Mahad Leh
"Xafiiska Wacyigalinta &Xidhiidhka Dadweynaha Ee KMW"