Gudoomiyaha Komishanka Maamul-Wanaaga JSL

Gudoomiyaha Komishanka Maamul-Wanaaga JSL . Dr.adam Ahmed oo weheliyaan Lataliyayaasha Xafiiska ayaa qayb ka ah kulan-hawleed sadex cisho qaatay oo ay isugu yimaadeen dhamaan daneeyayaasha Mashuuraca Horumarinta Khayraadka Dawladda Ee ????????????????. Oo ka qabsoomah Ambassador hotel Hargeisa.
Komishanka ayaa qayb ka noqday mashruucan maamulka Khayraadka Dawladda, iyadoo la raacayo Qorshe hawleedkan lagu shaqaynayo labada sano ee Soo socda.
Waxa sidoo kale kulankan goobjoog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyada, Gudoomiyaha Gudida Dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada, Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, Gudoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka, hantidhawraha guud ee qaranka iyo Saraakiil Dawladeed oo ka kala socotay daneeyashaasha Mashruuca SERP.
Allah Mahad Leh
"Xafiiska Wacyigalinta& Xidhiidhka Dadwaynaha Ee KMW"