Gudoomiyaha Komishanka Maamul wanaaga Dr Adam Ahmed Dahir

Gudoomiyaha Komishanka Maamul wanaaga Dr Adam Ahmed Dahir oo ay weheliyaan Komishineer Cabdi Wahaab Faarax Nuur, Komishineer Jaamac Adam Maxamed (Jirde) Agaasimaha waaxda maamul wanaaga C/laahi Maxamed Bille iyo Agaasimaha waaxda wacyigelinta iyo xidhiidhka saxaafada Ayaanle Cumar Xuseen, oo beryahanba hawlo shaqo u joogay gobolka Awdal gaar ahaan magaalo madaxdiisa Boorama ayaa saaka soo kormeeray qaar ka mida xarumaha dawladda.
Kormeerkaasi oo ujeedkiisu ahaa indho indhaynta iyo u kuurgelida shaqada iyo adeega ay wasaaradahaasi/ hay'adahaasi u hayaan bulshada ku nool gobolka Awdal iyo sidii loo dardargelin iyadoo la raacayo mabaadiida maamul wanaaga iyo nidaamyada XUKUMADA WADAJIR IYO WAXQABAD.
Mudadii kormeerkaasi socday waxaa dardaaaran ku saabsan dardargelinta shaqada qaranka siiyey Gudoomiyaha Komishanka Maamul wanaaga Dr Adam Ahmed Dahir oo si weyn ula dardaarmay shaqaalahaasi.