Gudoomiyaha , gudoomiye ku xigeenka iyo Agaasimaha Guud ee Komishanka Maamul-Wanaaga JSL

Thursday : 17-07-2025.
Gudoomiyaha , gudoomiye ku xigeenka iyo Agaasimaha Guud ee Komishanka Maamul-Wanaaga JSL . ayaa maanta Xarunta dhexe ee komishanka si rasmi ah uga daah-furay madax taabashada iyo tir-koobka shaqaalaha Gobolka Maroodi Jeex ee koomishanka maamul wanaaga JSL.
Madax-taabashaddan ama tirokoobkan ayaa waxa looga gol-leeyahay in lagu ogaado shaqaalaha sida dhabta ah u jooga goobaha shaqadda.
ALLAH MAHAD LEH
Waaxda Wacyigalinta & Xidhiidhka Dadweynaha Ee Komishanka Maamul Wanaaga