
Guddoomiyaha Komishanka Maamul-Wanaaga JSL . Dr. Adan Axmed iyo Gudoomiye ku- xigeenka Komishanka
July, 2025Guddoomiyaha Komishanka Maamul-Wanaaga JSL . Dr. Adan Axmed iyo Gudoomiye ku- xigeenka Komishanka Garyaqaan Madar oo uu weheliyo Agaasinka waaxda qorsheynta Cabdifataax Cali, ayaa xafiiska ku qaabilay madaxa xafiiska EUCAP Mr. Ireneusz Julian iyo isku-xidhaha xafiiska EUCAP Mr. Mahad Ahmed.
Isbarasho ka diba waxa warbixin kooban oo ku saabsan xafiiska Maamul-Wanaaga Qaranka siiyey hay’adda EUCAP Guddoomiyaha KMW mudane Dr. Adan oo u sharaxay masuuliyadda Komishanka Maamul-Wanaaga. Sidoo kale guddoomiyuhu wuxu uga mahadceliyey hay’adda EUCAP, xidhiidhka wada shaqayneed ee ay xafiiska la lahaayeen.
Dhanka kalena madaxa hay’adda EUCAP ayaa ku bogaadiyey guddoomiyaha soo dhaweynta sidoo kalena sii xoojiyey qiimaha wada shaqayneed ee labada xafiis.
Intaa ka dib Xafiiska Maamul-Wanaaga iyo madaxa Hay’adda EUCAP ay kulanka kaga wada hadleen:
A. Kor u qaadida iyo xoojinta heshiiska wada shaqayneed ee ka dhaxeeya labada xafiis.
B. Horumarinta iskaashiga tobabarada nidaamka maamul-wanaaga ee hay’addaha dawladda ee wada shaqaynta la le hay’adda EUCAP.
C. Xog wadaaga iyo in sidoo kale ay hay’adda EUCAP u fududeyso isku xidhka Komishanka Maamul-Wanaaga iyo hay’addaha caalamiga ah ee ku hawlan arimaha horumarinta maamul-wanaaga.
Ugu dambeyn waxay labada xafiis isla qaateen in kulamo kale la iskugu yimaado si loo sii ambaqaado heshiiskii wada shaqayneed ee soo jirey.
Allah Mahad Leh
Xafiiska Waaxda Wacyigalinta& Xidhiidhka Dadwaynaha Ee Komishanka Maamul Wanaaga