
Dooda Iyo Falaqaynta Qabyo Qoraalka Kaabista & Wax Ka-Badalka Xeerka Komishanka Maamul Wanaaga Xeer No: 58/2012
Dooda Iyo Falaqaynta Qabyo Qoraalka Kaabista & Wax Ka-Badalka Xeerka Komishanka Maamul Wanaaga Xeer No: 58/2012----------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------
Maanta oo taariikhdu 11/09/2025. Komishanka Maamul-Wanaaga JSL . ayaa soo qabn qabiyay Munaasibad lagu Falaqaynayo Qabyo Qoraalka Kaabista & Wax Ka-Badalka Xeerka Komishanka Maamul Wanaaga Xeer No: 58/2012 oo lagu qabtay hudheelka Ambassador Ee Magaalada Hargaysa ,waxaana ka soo qaybgalay, Gudoomiyaha Komishanka Maamul-wanaaga, Gudoomiye ku xigeenka Komishanka Maamul Wanaaga,Xubnaha Guddiga Maamul Wanaaga, Lataliyayaasha iyo Agaasimeyaasha Waaxyaha.
Ugu horayn waxaa furay kulankan komishineer Cabdiqani, soona dhaweeyay ka qaybgaleyaasha isagoo uga mahadceliyay inay wakhtigooda u soo hureen inay Komishanka kala soo qaybgalaan Kulanka Qabyo Qoraalka Kaabista & Wax Ka-Badalka Xeerka Komishanka Maamul Wanaaga Xeer No: 58/2012. Intaas kadibna Gudoomiyee kuxigeenka Komishanka Maamul-wanaaga Garyaqan Madar Siciid, ayaa faahfaahin ka bixiyey Kaabista & Wax Ka-Badalka Xeerka Komishanka Maamul Wanaaga Xeer No: 58/2012.
Dhanka kale, waxaa ka soo qayb galay kulankan kuxigeenka Xeer Ilaaliyaha guud, Gudoomiyaha Ururka Qareenada somaliland, Lataliyaha sharciga ee Hay'adda AUCAP, iyagoo Dooda Iyo Falaqayn ka yeeshay Qabyo Qoraalka Kaabista & Wax Ka-Badalka Xeerka Komishanka Maamul Wanaaga Xeer No: 58/2012, iyagoo hadalo ka jeediyey munaasibadan ayaa xusay in ay si dhaw ula shaqeeyan Komishanka Maamul-wanaaga, sheegayna inay muhiimad gaar ah u leedahay Qaranka
= Wabilaahi Tawfiiq=
Xafiiska Wacyigalinta&Xidiidhka Dadweynaha Ee KMW
