xisaabtanka iyo Daah-furnaanta ayaa fure u ah Maamul-wanaaga aan doonayno in aan Gaadhno.


   Kadib sannado badan oo xilka masuuliyiinta la magaacabo iyo kuwa xilka laga qaadaa la kala wareegayeen masuuliyadaha maamulka hay’adaha dawladda, Komishanka Maamul-wanaaga iyo Ladadaalanka
Musuqmaasuqu waxa uu diyaariyey sannadkan Siyaasada Xil-       wareejinta Ee Qaranka oo dhawaan la filayo in Golaha Wasiiraddu anxiyaan. Haddaba, iyadoo laga duulayo Ahmiyada ay leedahay in dhamaan xil-wareejimaha dawladda uu Komishanku door muhiim ah ka
qaato oo aan Komishanka la’aantiis la qaban karin wax xil-wareejin    ah.   Haddaba, todobaadkii hore ayey masuuliyiin ka tirsan Komishanka Maamul-wanaaga iyo Ladagaalanka Musuqmaasuqa Jamhuuriyadda Somaliland oo ay hormood u yihiin Gudoomiyaha Komishanka,
Mudane, Dayib Aadan Xaaji Cali iyo Gudoomiye-kuxigeenka Komishanka   Mudane, Liibaan Ismaaciil Cabdilaahi ka qayb-qaleen xil-wareejimihii Agaasimeyaasha Guud Ee Wasaaradaha Gaashaandhiga,
Qorshaynta Qaranka, Biyaha, Hay’ada Shaqaalaha Dawladda iyo Hay’ada Dhawrista Tayada oo uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda     Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi, isku-bedel ku sameeyey dhawaan.