Tababar loo qabtaya agaasime waaxeedyada

Guddoomiyaha Komishanka Maamul-wanaagga Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si rasmi ah u xidhay tababar laba cisho socday oo lagu horumarinayay xirfadaha shaqo ee Agaasimayaasha Komishanka.
Guddoomiyuhu waxa uu Agaasimayaasha kula dardaarmay inay si buuxda uga faa’iidaystaan aqoonta iyo waayo-aragnimada ay tababarka ka korodhsadeen, isla markaana ay ku dabaqaan gudashada waajibaadkooda shaqo si hufan oo masuuliyad leh. Waxa uu sidoo kale xusay muhiimadda ay leedahay wada-shaqaynta, isla xisaabtanka, iyo kor u qaadista tayada shaqada si loo xoojiyo adeegyada iyo hannaanka maamul-wanaagga ee hay’adda.
Xafiiska war-isgaadhsiinta Komishanka Maamul Wanaaga JSL.
???? Hargeysa, Somaliland.
???? Email: [email protected]
???? Website: https://ggc.govsomaliland.org
Allaa Mahad Leh.