Komishanka Maamul-wanaaga oo Xilalka u kala wareejiyey Agaasimeyaasha Guud Ee Hay’adaha Dawladda.


Madaxda Komishanka Maamul-wanaaga oo Xilalka u kala wareejiyey Agaasimeyaasha Guud Ee Hay’adaha Dawladda.

----------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------
Komishanka Maamul-wanaagu waxa uu sannadkii 2020 Diyaariyey habraaca xil-wareejimaha Qaranka oo ujeedadiisu tahay in la xoojiyo isla-xisaabtanka iyo banyaalnimada hawlaha Qaranka si loo hubiyo hantida lala kala wareegayo.  Sidaa darteed, ayuu maanta Komishanka Maamul Wanaaga Xilalka u Kala wareejiyey Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha,  Macdanta, Beeraha , Maal-gashiga, Xidhiidhka Goleyaasha iyo Isgaadhsiinta iyo tignoolajiyadda si uu Komishanku u hubiyo hantida Lala kala wareegayo. Waxa kale oo uu Komishanku u kuur galaa in xilwareejintu u dhacdo si waafaqsan shuruucda dalka iyo hanaanka maamulka suuban si uu  masuulka xilka hayaa si habsami ah ugu wareejiyo xilka masuulka cusub dhamaan wixii macluumaad/agab ah ee shaqada la xidhiidha ee uu gacanta ku hayo.

Haddaba, waxay  maanta   Gudoomiyaha, Gudoomiye-kuxigeenka iyo Agaasimaha Guud, Ee  Komishanka Maamul-wanaaga oo ay wehelinayeen qaar ka mid saraakiisha Komishanka ka qayb-galeen  xil-wareejimaha Agaasimeyaasha Guud  Ee uu dhawaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi u soo magacaabay  wasaaradaha aan soo xusnay.  Gudoomiyaha  Komishanka, Mudane Dayib-Aadan Xaaji Cali, Gudoomiye-kuxigeenka, Mudane Liibaan Ismaaciil Cabdilaahi iyo Agaasimaha Guud Ee Komishanka, Mudane Maxamuud Ismaacil Cilmi (Deeq) ayaa  xil-wareejimahaas sexeexay iyagoo hadalo ku tacaluqa muhiimadda  isla-xisaabtanka iyo hubinta hantida qaranka Ee lala kala wareegay ka jeediyey munaasibadaha xilka lagula kala wareegayey.

Somaliland Good Governance Management team attended the Handover ceremonies for Government Ministries
--------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------
The Somaliland Good Governance Commission prepared a handover guideline document in 2020 that will be followed by the government ministries and parastatals to promote accountability and transparency as well as checking the assets to be handed over by the new government officers appointed by the president. 
The GGC perpetually monitors the handing over ceremonies for the government officers to be conducted in accordance with laws and regulations in order for the new officers get all the information and documents related to the responsibilities entrusted to them. 

For this purpose, Somaliland GGC senior management team led by Honorable Dayib Aden Haji Ali, accompanied by the GGC deputy chairman, Mr. Liban Ismail Abdilahi, and the Director-General, Mr. Mohamoud Ismail Elmi signed differently the official hand over documents for the government ministries and while joined to ceremonies for the new Director Generals of Ministries of Information, Agriculture, Mining, parliamentary relations and constitutional affairs and Telecommunication and Technology held at their premises. The GGC team made a speech in the ceremonies and pointed out the importance of accountability and transparency in the government operations while urging the new director generals to undertake their responsibilities in line with Good Governance principles and close work with GGC.