Waaxda Cududa Shaqaalaha

Komishanka Maamul Wanaagu waa Komishan qaran oo xukuumadeed oo lagu aasaasay Wareegto Madaxweyne oo sumadeedu tahay No: 0048/08/2010, kuna taariikhaysan, 26/8/2010. Waxaana Goleyaasha sharci dejintu ku ansixiyeen Xeerka Maamul wanaagga Xeer No: 58/2012 sannadkii 2012, iyadoo xeer madaxweyne lagu dhaqan galiyey 03/02/2013. Sidaa darteed, Komishanka Maamul-wanaagu waa guddi madaxbanaan oo ismaamusha, loona dhisay inay si buuxda masuul uga ahaato, abuurida iyo daryeelka dhaqan maamul wanaagsan iyo nidaam dawladeed oo ka nadiif ah dhamaan noocyada Maamul-xummadda iyo musuqmaasuqa.

 

Haddaba, Komishanka Maamul-wanaagu waxa uu leeyahay Waaxda cududa shaqaalaha taas oo u qaabilsan shaqaalaha,waxay waaxda cududa shaqaalaha ee KMW dardar-galinaysaa sidii loo tayaynlahaa shaqaalaha komishanka  wanaaga kuwaas oo u xilsaaran shaqada iyo wajibaadka uu u taaganyahay komishanka,  maamul wanaaga ,ujeedadeeduna tahay in la helo shaqaale hanankara hadafka fog ee komishanka  isla markaana fulinkara  hawl-maalmeedkooda.

-Tababarka iyo Hurumarinta shaqaalaha (Training & Development)

-Qiimaynta waxqabadka (Performance appraisal).

-Diirigalinta shaqaalaha (motivation).

-Diyaarinta warbixinta guud ee shaqaalaha

-Warbixinta xadiriska ee bilaha ah

-Warbixinta maqnaanshiiyaha (absent) ee sadexbiloodle ah

-Warbixinta kormeerada  (monitoring)

-Diyaarinta, soo-saarista  Xadiriska shaqaalaha taas oo aan ku soo saarno bile,saddex biloodle,iyo sanadle.

-Soo gudbinta shaqaalaha ugu wanaagsan attandancega

-Soo gudbintaa  warbixinta anshax marinta shaqaalaha mutaysta in laa anshax-mariyo

-Ku wacyi-gelinta  shaqaalaha komishanka   anshaxa subaan iyo inay raacaan Nidaamka toosan     shaqaalaha dawladda

-Faafinta Siyaasadaha, nidaamka Habraacyada shaqaalaha dawladda.

-Qiimaynta iyo maaraynta hawl-qabadka shaqaalaha komishanka

-Xoojinta Xidhiidhka ka dhexeeya shaqaalaha iyo madaxda komishanka.

clip_html_html_image1.pngQaab-dhismeedka Waaxda Cududa Shaqaalaha


 

 

Alla Mahad leh

 

Khadra Yusuf Guleed

Agaasimaha Waaxda  Cududa Shaqaalaha ee Komishanka maamul wanaaga