Tababar Habraaca Maaraynta Hawol-Qabadka Iyo Qiimaynta Shaqaalaha Kumishanka.

 

Waaxda cuduuda shaqaalaha ee komishanka maamul wanaaga oo kashanaysa Waaxda Maaraynta Hawl-Qabadka iyo Qiimaynta Hay’adda shaqaalaha dawladda  ayaa Tababar u qabatay agaasime waaxeedka iyo Madax qaybeedka komishanka maamul wanaaga tababarka oo  socday laba ujeedkisuna aha maaraynata haw-qabadka iyo qiimaynta shaqaalaha komishank,ugu horaynti waxaa tababarkan oo uu  furay  Gudoomiyaha komishanka maamul wanaaga Md. Dayib adan X.Cali, oo uu weheleyo komayshineer Md. Abdiqadir X. Ismaciil, ayaa tababar u furay agaasime waaxeedyada iyo Madax qaybeedada komishanka maamul wanaaga.

tababarkan ayey ujeedadiisu tahay sidii loogu tababari laha agaasime waaxeedka iyo Madax qaybeedka komishanka maamul wanaaga habka aay uu isticmali lahayeen foomamka qiimaynta hawl-qabadka shaqaalaha.

Ugu horayn waxaa warbixin kooban ka bixiyay tababrkan gudoomiyaha komishanka maamul wanaaga Md. Dayib Adan X. Cali,  isaga oo fahfahiyay qimaha uu tababrkani u leyahay shaqaalaha  sida oo kale waxaa uu u mahad caliyay waaxda cududa shaqaalaha oo tabobarkan soo agaasintay  sida oo kale waxaa uu u mahad caliyay  macaliminti tabobarka bixinayay ee ka socday hay’adda shaqaalaha dawlada,

Waxaa kale  Gudoomiyuhu  iftimaiyay in qorshaha sanadkan 2021, aay ku jiraan tabobaro aad u badan oo kor logu qadayo shaqaalaha komishanka maamul wanaaga.

 

Waxaa kale oo hadalo ka jeediyay  agaasimaha waaxda qorshaynta ee komishanka maamul wanaaga Md. Cabdirashiid Muse Ismaciil, isaga oo sheegay in tabobarkan muhim u yahay shaqaalaha komishanka maamul wanaaga madama oo loo bahanyahay in la qiimeeyo shaqaalaha.

Waxaa kale oo hadal ka soo jeediyay tababarkan macalinka casharka bixinayay Md. Saleeban Maygag, oo ah agaasimaha waaxda maaraynta hawl-qabadka hay’adda shaqaalaha dawlada ayaa sheegay ujeedka tababrkan ugu wayni in uu yahay qofku in uu gaadho wixii u qorshaysnaa.

Gabagabadi waxaa ka hadshay kulankan agaasimaha waaxda cududa shaqaalaha komishanka maamul wanaaga  Marwo.khadra Yusuf Guleed, oo sheegtay in qorshaha sanadkan 2021,aay ugu jiraan tababaro badan oo aay kor ugu qadayaan aqoonta shaqo ee shaqaalaha komishanka maamul wanaaga, waxaa kale oo aay sheegtay in marka tababarkan la dhameeyo aay ku daba gali doonan  agaasime waaxeed walba aay eegi doonana sidi aay u qiimeyeen shaqaalaha hoos yimada  sababta oo ah waaxdani waxay masuul ka tahay dhamaan shaqaalaha komishanka maamul wanaaga.

 

 

 

Allah Mahad Leh