Somaliland: Muxuu bedelay Komishanka La-dagaalanka Musuqmaasuqu 5-tii sanno?

Hargeysa (GNA)- Kama uu muuqan muddo laba sannadood ka badan, Safka hore ee maamulka Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, masuulka xukuma hay’adda awoodda Hanti-dhowr ee dahsoon leh, taasoo Magaca ay sidato iyo Marxalada dalku marayaa aad u kala fogyihiin.

Ma jirto ilaa iyo hada wax isbedella oo uu ka sameeyay Hanaanka Dawliga ah  Komishanka lagu magacaabo  Maamul-wanaagga iyo La-dagaallanka Musuqmaasuqu, kaasoo kamid ahaa Hay’adihii dhismahoodu la kowsaday Bilowgii dhismaha Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, waxaanay taasi muujinaysaa  habac sanaan gaadhsiisan ilaa heer “Hay’ad dhan wixii loo xilsaaray aanay waxba ka qaban, iyadoo xukuumadii ay la kowsatay wakhtigeedii sii dhamaanayo.”

Musuqmaasuqa iyo Maamul-xumada Dawliga ah ee dalka ka jira ayaa marba marka ka dambeysa sii xoogaysanayey, iyadoo ay ugu wacantahay Xil kasnimo yaraanta Madaxda xilalka haysa.

“sidii la doono haloo arkee, Xukuumaddani waa xukuumadii ugu liidatay Xagga Maamulka  ee ina soo martay”sidaas waxa GNA u sheegay A. Ceelaabe oo kamida Dadka wax ka qora Arrimaha Siyaasadda. Waxaanu markaa ka faalloonayey saameyntii ay xukuumadda ku yeellatay Isku shaandheyntii Madaxweyne Siilaanyo ku sameeyay Gollihiisa Wasiirrada bishii feberaury ee sanadka, xilligaasoo ay Isku-shaandheyntu abuurtay Kooxaysi iyo Wasiiro Xilalkii loo magacaabay markii ay Saluugeen Iscasilay, kuna eedeeyay Madaxtooyada meel taladeedu baahday.

Iyadoo jiriraanka dareenka noocaas ahi Bulshada ku xoogaystay, ayaa waxa todobaadkan sii dhamaanaya Saxaafadda lagu baahiyey Wareysi uu bixiyey Guddoomiyaha Komishanka Maamul-wanaaga iyo la-dagaalanka Musuqmaasuqa  Md. Axmed Muxumed Madar,  kaasoo dhalliilay qaabka bulshadu u doortaan madaxda iyo masuuliyiinta wakiilka uga noqonaya golayaasha qaranka, isagoo xusay in doorashooyinku ku salaysan yihiin qabiil, balse aan si danta ummadda iyo dawladnimadu ku jirto lagu xulan.

Md. Madar, ayaa sidan ku sheegay waraysi siiyey Wargeyska Jamhuuriya Salaasadii todobaadkan. “waxa aannu la kulannay cuqaasha, madax-dhaqameedka, waxaanan ku baraarujinay inay wax ka beddelaan qaabka hadda wax loo doorto, isla markaana doorashooyinka soo socda bulshada ka dhaadhiciyaan inay wax u doortaan qaab ka duwan sida hadda wax loo doorto.

Waxa aannu aragnay doorashooyinkii golayaasha degaanka oo laga cabanayo kuwii la doortay iyo waxay noqdeen, iyadoo bulshadii soo dooratay ay hadda ka cabanayso, waxaanan doonaynaa in bulshadu wax ka beddesho qaabkaas hore ee wax u doortaan si ay u soo baxaan masuuliyiin ka shaqayn kara maamul-wanaag iyo la-dagaallanka musuqmaasuqa, waana in qofka xilka u qabana ummadda loo eego diintiisa, aqoontiisa iyo dadnimadiisa, taas ayaana keeni karta maamul-wanaaga loo baahi qabo.”ayuu yidhi.

Waxa kale oo uu sharaxaad ka bixiyey, sababta ragaadisay Hay’adda uu madaxda ka yahay oo sanadkii 2012-kii Xeerkeeda la ansixiyey.  “Xeerkan runtii wax weyn baa laga beddelay awoodihii uu lahaa wax badan baa laga saaray waxaannu doonaynay inay fulin yeelato hay’addana waxaa loo aasaasay in meesha laga saaro maamul xumada iyo musuqa ina ragaadiyey ee ilaa lixdankii soo taxnaa meesha laga saaro sidii loo beddeli lahaa in laga hawl galo. Masalan; waxaanu rajeynaynay inay yeelto awood buuxada oo ay wax kaga qabato. Dabcan, wuxuu ahaa hadafkayagu inay hay’addu sida kuwa caalamka u shaqayso, laakiin sharciyaddaa dib loo eegay ee la fara-fareeyey, saamayn weyn ayeyn ku yeelatay yeelkeeda, waanuna gaadhi doonnaa hadafkii aannu doonaynay.”.

Si kastaba ha ahaatee, Guddoomiye Axmed Muxumed Madar oo Xilka  Maamulka Komishanka  Maamul-wanaaga iyo La-dagaalanka Musuqmaasuqa , loo magacaabay Bishii Jully ee sanadkii 2010-kii markii Madaxweyne Siilaanyo Xukuumaddiisa dhisay, ayaa inta badan Safaro aan ujeeddooyinkoodu caddeyn ugu maqan dalka Dabadiisa.

Hay’adda uu madaxda ka yahay, waxay ku jirtaa oo degentahay guri Kirro ah oo aanay dawladdu lahayn, iyadoon ilaa hada Xafiis u gaara oo ay kaga maaranto Ijaarashada Gurigaas yeellan, taasina waxay qayb ka tahay fadhiidnimada Hay’addaas ee aan cid loo nisbayn karo oo Maamulka ahayni aanay jirin.