Somaliland: Komishanka Maamul-wanaaga Iyo La Dagaalanka Musuqmaasuqa Oo Sheegay In 10 Wasaaradood

Hargeysa(ANN)-Guddoomiyaha Komishanka Maamul-wanaagga iyo La-dagaallanka Musuqmaasuqa Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa sheegay inay baadhitaan ku sameeyeen 10 ka mid ah 27 Wasaaradood oo ka mid ah Wasaaradaha qaranka.

Guddoomiyaha Komishanka Maamul-wanaagga iyo La-dagaallanka Musuqmaasuqa Mr. Axmed Jaamac Maxamuud oo warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa magaalada Hargeysa maanta, wuxuu sheegay in 10ka wasaaradood ee ay baadheen muddo yar oo weliba xiligan kala guurka ah ay ka heleen raadadka musuq-maasuqa, isla markaana ay warbixn la xidhiidha arrimaha uga soo baxay badhitaanka ay u gudbinayaan Madaxweynaha xilka kasii degaya ee iyaga magcaabay.

sidoo kale wuxuu sheegay in waxyaabaha uga soo baxay baadhitaankaa ay la wadaagayaan Madaxweynaha cusub Muuse Biixi Cabdi.

Guddoomiyaha Komishanka Maamul-wanaagga iyo La-dagaallanka Musuqmaasuqa Mr. Axmed Jaamac Maxamuud oo warbaahinta la hadlay dhowaan waxa uu sharraxaad ka bixiyey qorshe casri ah oo hay’addiisu ku diiwaangelisay xogta wasaaradaha iyo hay’addaha kala duwan ee qaranka, taas oo uu sheegay inay sal u noqon doonto xil-wareejin kasta oo dalka ka dhacda mustaqbalka.

Halkan ka Daawo isagoo ka hadlaya baadhitaanka ay ku sameeyeen 1o Wasaaradood oo ka mid ah Wasaaradaha xukuumadda iyo waxa ay ku ogaadeen.