Shaqaalaha cusub ee uu komishinka Maamul Wanaagu ku yeelanayo gobolada

Tababarka Shaqaalaha Cusub ee Gobalada ee KMW.
Komishanka Maamul Wanaaga ayaa saaka Tababar u qabtay qaar ka mida shaqaalaha cusub ee ka titan KMW. shaqaalahaasi ayaa  Komishanka  u qaabilsanaan doona  Gobolada, tababarkaasi oo ahaa habka iyo Hanaanka shaqo ee komishanka Maamul wanaagu u shaqeeyo, xeerka uu ku shaqeeyo, waaxyaha uu ka kooban yahay komishanku, cilmibaadhisyada uu sameeyey,habraacyada iyo hagayaasha uu sameeyey, Siyaasada Maamul wanaaga, istaraatiijyada saddex sanno ee komishanka iyo Bahwadaagta shaqo ee komishanka.

Tababarka waxaa soo qabanqaabiyey waaxda Cududa shaqaalaha waxaana bixinayey Agaasimaha Waaxda Maamul Wanaaga.

#MaamulWanaagaMaanta