Shaqaala waynaha Komishanka Maamul-Wanaaga JSL .

Shaqaala waynaha Komishanka Maamul-Wanaaga JSL . Ayaa 28-06-2025 uqabtay casho sharaf ay ku sagootinayaan maamulkii hore ee komishanka ee dhawaan la bedelay. Munaasibadan ayey shaqaaluhu ku maamuumuuseen madax doodii hore, iyagoo ku amaanay hogaamintoodii toolmoonayd muddadii ay xilka hayeen iyo sidii fiicnayd ee ay ula shaqeeyeen shaqaalaha iyo siday qarankooda ugu soo adeegeen muddo xiloodkoodii.
Dhanka kale Guddoomiyihii iyo Agaasimihii hore, Liibaan is ismaaciil Cabdilaahi iyo Marwo Fatxiya Maxamed Cabdiraxmaan ayaa uga mahadceliyey shaqaalaha maamuuska ay u sameeyeen iyo sidii wanaagsanayd ee ay ula shaqeeyeen.
Gebagabadii munaasabadda ayey shaqaaluhu ku guddoonsiiyeen maamulkii hore shahaada sharafyo ka turjumaya shaqa wanaagoodii mudadii ay xilka hayeen.
Allah Mahad Leh
#xafiiska Wacyigalinta&Xidhiidhka Dadwaynaha KMW