Mudane Liibaan Ismaaciil Buraale ayaa dhiirigalin, talooyin Iyo Toosin u soo jeediyay Hay'adda Caymiska Qaranka
Gudoomiyaha Komishanka Maamul Wanaaga JSL, Mudane Liibaan Ismaaciil Buraale ayaa dhiirigalin, talooyin Iyo Toosin u soo jeediyay Hay'adda Caymiska Qaranka, Hay'adaasi ayaa qabatay Bandhiga Waxqabadka 2021 (Annual Market Report) iyo Daahfurka Qorshaha Shanto Sano (5-year Strategic Plan) ee Hay'adda Caymiska Qaranka.Gunaanadkii Gudoomiyaha KMW Waxa uu u balan qaaday in Komishanka Maamul Wanaagu kala shaqayn doono Hanaqaadka Geedi Socodka 2022-2023