
Madaxweynaha Jamhuuriyadda
Hargeisa 16/08/2025
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta daah-furay kulan ah tababar iyo aqoon is weydaarsi loo qabtay Madaxda cusub ee Hay’adaha madaxa bannaan ee Dawladda.
Ujeedada Kulankan oo ahayd dib-u-habeynta Hay’adaha Qaranka, wada-shaqaynta hufan ee dhexdooda iyo Maamulka Wanaaga, ayaa Madaxweynuhu waxa uu hoosta ka xarriiqay xoojinta dhaqanka masuuliyadda, isaga oo madaxda cusub ee hay’adaha madaxa bannaan ku booriyey in la ilaaliyo isla xisaabtanka, daah-furnaanta, hufnaanta iyo kalsoonidu shacaabku uu ku qabo Maamulka dawliga ah.
Tabobarkan oo ay si wadajir ah u soo diyaariyeen Komishanka Maamul-Wanaaga JSL . Wasaaradda Madaxtooyada, Hay’adda Shaqaalaha Dawladda iyo Jaamacadda Hargeysa oo lagu qabtay Hoolka weyn ee Ciidanka Booliska JSL, ayaa ahaa mid seeska loogu dhigayo qorshaha shaqo iyo Isteraatiijiyadda hufan ee la doonayo in ay raacaan masuuliyiinta cusub ee dhawaan Madaxwaynaha Jamhuriyadda Somaliland u Soo magacabay.
Sidokale, Madaxweyne Jamhuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cirro waxa uu sheegay in masuuliyiinta la siin doono aqoon ka anfacda wada-shaqaynta hufan ee Xukuumadda dhexdeeda iyo waxyaabaha lagama maarmaanka u ah Hay’ad kasta iyo arrimaha u qorshaysan ee ay hiigsanayso
Allah Mahad Leh