Kumishinka Maamul Wanaaga Oo Kormeer Ugu Sugan Gobolka Sanaag
Gudoomiyaha komishanka maamulwanaaga Mr. Dayib Adan X. Ali oo uu weheliyo Komishaner Ahmed Xasan Ibraahim iyo saraakiil sar sare oo ka tirsan Komishanka Maamulwanaaga ayaa safar shaqo ugu kicitimay Gobalada bariga. Waxay kulan la yeesheen Badhasaab xigeenka, taliyaha qaybta ee Gobalka Sanaag, sidoo kale waxay kulamo layeesheen qaar kamida Hayadaha Dawlada oo gudoomiyuhu halkaasi warbixino kaga dhagaystey. Komishanku wuxuu xooga ku saaray safarkan, xog ogaal unoqoshada waxa ka hirgalay qorsheyaashii hore ee Hayadaha dawlada ee heer gobal, qorsheyaasha 2022 iyo xog ogaal unoqoshada heerka Maamul Daadejinta hayadaha adeega bixiya.