Kulanka Xoghayayaasha Fulinta Dawladaha Hoose,Hay'addaba Isla Xisaabtanka iyo Wasaarada Arimaha Gudaha

Wasaaradda Arimaha Gudaha

ayaa maanta kulan u qabatay
Xoghayayaasha fulinta Dawladdaha
hoose ee 23 Degmo Doorasho,
kulankaasi ayaa daaranaa sidii ay
Xoghayayaashu xiliga kala guurka
doorashooyinka golaha u gudan
lahaayeen waajibaadkoodu shaqo
iyo siday u ilaalin lahaayeen Hantida
dawladdaha hoose,iyadoo dhawaan lagali doono Dorashooynka Golayaasha Deegaanka.

Kulanka waxaa furay agaasimaha
guud ee Wasaarada Arimaha
Gudaha oo iftiimiyey mihiimada
uu kulankani leeyahay, sidoo kale
waxaa isna hadal ka jeediyey
madasha kuxigeenka hanti
dhowraha guud ee qaranka
kaas oo kula dardaarmay siday
xogyayaashu u soo gudbin
lahaayeen liiska shaqaalaha
December 2020.

Gudoomiyaha Komishanka Maamul
Wanaaga Dayib Aadan X Cali ayaa
Xoghayayaasha ku adkeeyey sidii
ay u ilaalin lahaayeen sharciga
doorashooyinka iyo qorshayaasha u
Dajisan dawladda hoose, sidoo kale in 
aanay ku kicin ku tagri fal awoodeed
xiliga kala guurka.

Ugu dambayntii hadalka waxaa soo
afmeeray wasiirka kuxigeenka ahna
kusimaha wasiirka arimaha gudaha.