Kulanka Komishanka Maamul-wanaaga iyo Wefdiga Koonfur Afrika

Gudoomiyaha Komishanka Maamul-wanaaga, Mudane, Dayib Aden Xaaji Cali ayaa kulan la qaatay wefti ka socda Xisbiga ANC ee haya talada dalka Koonfur Afrika oo uu hoggaaminayo Mr. Mhlekwa Nxumalo oo ah masuul sare oo ka tirsan xisbiga ANC.

Kulankaas oo ka dhacay Hudheeka Ambassador Ee Magaalada Hargeisa, ayaa waxa gudoomiyaha ku wehelinayey Agaasimaha Guud Ee Komishanka Maamul-wanaaga, Mudane, Maxamuud Ismaaciil Cilmi (Deeq), Komishaneer Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil iyo Agaasimeyaasha Waaxyaha Wacyigalinta iyo Qorshaynta Ee Komishanka Maamul-wanaaga.

Wefdiga Xisbiga ANC Ee Koonfur Afrika, waxa Kulanka ku wehelinayey Safiirka Somaliland u fadhiya Dalkaas. Ujeedada kulankan ayaa ahayd sidii uu Komishanka Maamul-wanaagu Xidhiidh dhow la yeelan lahaa Komishanka dhigiisa ah Ee dalka Koonfur Afrika, kaas oo loo yaqaano (Public Service Commission).

Waxaana la isla qaatay in Wefdigani ay Komishanka Maamul-wanaaga u fudaydin doonaan sidii ay ula xidhiidhi lahaayeen Komishanka dhigooda ah Ee dalka Koonfur Afrika (South-Africa Public Service Commission) si ay Komishanka uga caawiyaan dhinaca khibrada iyo xirfadaha la xidhiidha horumarinta Maamul-wanaaga ( Experience sharing).