Kulanka Komishanka Maamul-wanaaga iyo Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka

Kulanka Komishanka Maamul-wanaaga iyo Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka

Gudoomiye-kuxigeenka Komishanka Maamul-wanaaga, Mudane liibaan Ismaaciil Abdilaahi oo ay wehelinayeen Agaasimeyaasha Waaxyaha Qorshaynta iyo Wacyigalinta ayaa Maanta Kulan- wada-shaqayneed la qaatay Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka. Dhinaca Wasaaradda Qorshaynta waxa kulankan ka qaybgalay, Wasiirku xigeenka Wasaaradda, Mudane Cabdiqaadir Cumar Jaamac oo ay wehelinayeen Agaasimaha Guud, iyo Agaasimaha Waaxda Qorshaynta Ee Wasaaradda. 

Ujeedada Kulanka ayaa ahayd in Komishanka Maamul-wanaaga iyo Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranku ay bilaabaan wada-shaqayn dhow, iyadoo la raacayo waajibaadyada shaqo Ee labada Hay’addood sida ku cad Xeernidaamiyaha Madaxweynaha Ee Wasaaradaha iyo Hay’addaha Dawladda iyo Xeerka Komishanka Maamul-wanaaga. 
  
Gudoomiye-kuxigeenka Komishanka Maamul-wanaaga oo hadalka ku horeeyey ayaa xusay in Komishanka Maamul-wanaagu hormood ka yahay hubinta hirgalinta Qorsheyaasha Wasaaraddaha iyo  Hay’addaha dawladda, 

 Halka Wasaaradda qorshayntuna ay leedahay qorshaha Guud Ee Qaranka. Waxa kalen oo uu Gudoomiyuhu ku dheeraaday sida ay muhiim u tahay in Komishanka  iyo Wasaaraddu ka wada-shaqeeyaan meelo badan  oo ay ka mid tahay xoojinta Arimaha Maamul-wanaaga qaranka, isweydaarsiga xogta iyo xoojinta tababarada lagu toosinayo sidii hay’addaha dawladdu u diyaarsan lahayeen qorshe-sannadeedkooda oo waafaqsan Qorshaha Guud Ee Qaranka oo ay Wasaaradda Qorshayntu hormood ka tahay. 

Dhinaca kale, Wasiirku xigeenka Wasaaradda Qorshaynta, Mudane, Cabdiqaadir Cumar Jaamac oo kulankani ku qabsoomay xafiiskiisa ayaa si weyn u soo dhaweeyey Komishanka iyo sida ay ugu diyaarsan yihiin inay Wasaaradda kala shaqeeyaan hirgalinta qorsheyaasha Qaranka. Dood iyo falanqayn dheer kadib, waxay labada dhinaca isla-qaateen Qodobadan hoos ku xusan: 
1. In kulamada noocan oo kale ay joogteeyaan si  loo xoojiyo wada-shaqaynta Komishanka iyo Wasaaradda iyadoo la raacayo waajibaadka shaqo ee Labada hay’adood.
2. Inay si wada jir ah u diyaariyaan foom lagu midaynayo hanaanka ay wasaaradaha iyo hay’adaha dawladdu u diyaarinayaan qorsheyaashooda Sannadlaha ah si loo hubiyo in qorsheyaashaasi waafaqsan yihiin Qorshaha Guud Qaranka ( Plan Unification Form)
3. Inay tababaro siiyaan Komishanka iyo Wasaaraddu waaxyaha Qorshaynta Ee hay’addaha Dawladda
4. In Komishanka iyo Wasaaraddu hubiyaan hirgalka Mashaariicda hay’adduhu Caalamiga ah iyo kuwa  maxaliga ahi  siiyaan  wasaaradaha iyo Hay’adaha dawladda. 
5. In Wasaaradda iyo Komishanku Magacaabaan guddi farsamo oo soo diyaariya, soona qaabeeya wada-shaqaynta ay bilaabayaan labada hay’addood.


Allaa Mahad leh

Agaasimaha Waaxda Wacyigalinta