kulanka Agaasime Waaxeedyada iyo Masuuliyiinta Sare ee Komishanka Maamul Wanaaga JSL

Maanta oo ay taariikhdu tahay 27/August/2022.
Waxa Xafiiska Komishanka Maamul Wanaaga JSL Ka qabsoomay kulanka Agaasime Waaxeedyada iyo Masuuliyiinta Sare ee Komishanka Maamul Wanaaga JSL.
Kulankan oo uu guddoominaayay Guddoomiyaha Komishanka Maamul Wanaaga JSL Md. Liibaan Ismaaciil Cabdilaahi oo ay weheliyaan Gudoomiye ku xigeenka iyo Agaasimaha Guud ee Komishanka Maamul Wanaaga JSl ayaa lagaga wada hadlay intii Ka hirgashay iyo intii aan Ka hirgalin Qorshaha Komishanka Maamul Wanaaga ee 2022 Ka.
Sidoo kale waxa guddoomiyuhu warbixin Ka siiyay safarkii shaqo ee uu dhawaan ku tagay dalka Ghana waxyaabihii uga soo qabsoomay.
Ugu danbayna guddoomiyuhu wuxuu boogaadiyay hawl-wadeenada Komishanku siday shaqada u wadaan intaa iyo in Ka badan na laga sugaayo oo ay shaqada u qabtaan sida ugu wanaagsan ee ay qaranka ugu adeegi lahaayeen. Madaama oo Komishank Maamul Wanaaga JSL u xilsaaran yahay hirgalinta Hiigsiga iyo Himilada Maamul Wanaagga ee Dalka.
Xafiiska Warbaahinta