Kulan Wadashaqayneed oo dhexmaray Komishinka maamul wanaaga iyo Wasaarada isgaadhsiinta.

Kulanka Komishanka Maamul Wanaaga & Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada ee ka wada shaqaynta E-Governance
---------------------------------------
Komishanka Maamul Wanaaga &Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada ayaa maanta kulan ka yeeshay ka wada shaqaynta arimaha E-Governance iyo siday  labada hay'addood iska kaashan lahaayeen sanadkan 2021in hay'addaha dawladdu ku shaqeeyaan nidaamka E-Governance, shirkan waxaa la iskula qaatay qodobadan:-

1. In komishanka & Wasaarada Isgaadhsiintu ay ka wada shaqeeyaan E-Governance 

2. In Wasaaradu ay komishanka ka caawiso "Tools-ka" E-Governance.

3. In Wasaarada iyo Komishanku Sameeyaan Siyaasada E-Governance.

4. In Komishanka iyo Wasaaradu ay arimaha Archive-ka, Diiwaanka Hantida Qaranka, E-Vehicle Movement Log, iyo E-Attendent ay u badalaan E-Governance iyagoo la kaashanaya hay'addaha ay khusayso.

Shirkan waxaa hogaaminayey Wasiirka Wasaarada Isgaadhsiinta & Tiknoolajiyada iyo Gudoomiyaha Komishanka Maamul Wanaaga oo ay weheliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaarada Isgaadhsiinta iyoTiknoolajiyada iyo Agaasime Waaxeedyada labada Hay'adood.