Guddoomiyaha Komishanka Maamul-wanaagga,Liibaan Ismaaciil Cabdilaahi oo ay wehelinayeen Agaasimaha Waaxda Qorshayntan ee KMW iyo Lataliyaha Komishanka ayaa ka qayb-galay Shirka Dhamaystirka Daraasadda Adeegga Bulshada Ee Wasaaraddaha Iyo Hay'adaha Dawladda oo ay iska kaashadeen Komishanka Maamul-Wanaaga iyo Hay'adda Shaqaalaha Dawladda. 


Gudomiyaha Ayaa  sheegay inay Daraasaduhu muhiim u Tahay Maamul-wanaaagga,isla-markaasna ay hore u sameeyeen kuwo hore,tanna ay qeyb-ka-ahaayeen.
Gudoomiyuhu wuxuu sheegay inay daraasadu muhiim u tahay dejinta qorsheyaal cusub oo ay wax kaga qabtaan KMW dhibaatooyinka ay daraasadu tilmaantay.

Waxa isaguna dhiniciisa ka hadlay  Guddoomiyaha Hay’adda shaqaalaha Dawladda,Khaalid Jaamac Qodax,waxaana uu u mahad-celiyay cid kasta oo kaalin ku lahayd hir-galinta daraasaddan,waxaana uu xusay inay daraasaddu xoogga saartay Adeeg-bixinta iyo maamul-daadejinta Wasaaradaha iyo Hay’ddaha kale ee Dawladda iyo inay Dadweynahuhu helaan shaqooyinkii ay u baahnaayeen,xilliga ku haboon.