Kulan Lagu-Lafa Gurayo Wixii u Qabsoomay Sectorka Maamul-Wanaaga (Good governance Sector)

  Gudoomiyaha Komishanka Maamul-wanaaga, Mudane Daiyb Aadan X.Cali oo ay wehelinayeen Agaasimeyaasha Waaxyaha Qorshaynta iyo Wacyigalinta Ayaa Maanta ka qayb Galay kulan  Wasaarada Arimaha Gudaha ku qabsoomay kaasi  oo Daarnaa Shir Lagu qiimaynayay Dhaqdhaqaaqyadii Shaqo ee Sectorka Maamul-Wanaaga Uga Qabsoomay Qorshaha Hormarinta Qaranka ee Labaad. 
Gudoomiyaha Ayaa Tilmaamay in Komishanka Maamul-Wanaagu sanadkii 2020 uu Qiimayn ku Sameeyay Qorsheyaasha Hayadaha Dawlada oo Dhan,
Gudoomiyuhu Wuxuu Sheegay in  Komishanka Maamul-Wanaaga iyo Wasaarada Qorshayntu Ay Wada gaadheen isafgarad Wada shaqayneed oo Lagu Horumarinayo Laguna Suulinayo Caqabadaha  ka Horimanaya Islaxisaabtanka iyo  Islajaanqaadka dawladeed ee Hormarinaya yoolka fog ee NDPII.

Agasimaha qorshaynta ee wasaarada Qorshaynta qaranka Ayaa ka Warbixiyey Warbixinaha kala Duwan ee Sectorka Maamul-Wanaagu Soo Gudbiyey iyo Tubta Loo Marayo Diyaarinta Qorshaha Hormarinta Sadexaad ee Qaranka.