Kulan Laba Gesood Ah Oo Lagu Gurfaynayo Wada Shaqaynta Labada Hayadyad CSC Iyo GGC

Komishanka Maamul-wanaaga ayaa maanta kulan la qaatay Gudoomiyaha hay’adda Shaqaalaha Dawladda oo ay wehelinayeen dhamaan Agaasimeyaasha Waaxyaha ee hay’addaas Ujeedada kulanka ayaa ahayd in Hay’adda shaqaalaha dawladdu ay xoojiso kormeerka shaqaalaha gobolada dalka, iyadoo Komishanka Maamul-wanaagu la wadaagay xogo ay ka soo ururiyeen hay’addaha dawladda ee heer gobol. Si loo saxo maamulka shaqaalaha dawladda ee heer gobol, Komishanka Maamul-wanaagu wuxuu hay’adda shaqaalaha u soo jeediyey inay kormeero joogto ah oo lagu hubinayo shaqaalaha gobolada dalka ay fuliyaan sannadkan 2022.


Waxa kale oo Komishanka Maamul-wanaaga iyo hay’adda shaqaaluhu isla qaateen in qaab-dhismeedka hay’addaha heer gobol la dhamaystiro si loo la xisaabtami karo masuuliyiinta gobolada dalka, iyadoo xoojinaysa in tababarada shaqaalaha ee habraacyadda shaqada la gaadhsiiyo xafiisyadda dawladd ee heer gobol, xil-qeexid dhamaystiran loo samaynayo isu-duweyaasha laamaha dawladda ee gobolada dalka. Kulankan waxa ka soo baxay in labada hay’adood si wadajira u qaban-qaabiyaan shirweyn ay u qaban-doonaan gudoomiyeyaasha gobolada iyo isuduweyaasha iyagoo kaashanaya wasaaradda Arimaha Gudaha iyo labada hay’addo ay safar wadajir ah ku sameeyaan sannadkan gobolada dalka si wax looga caqabadaha shaqada ee haysta shaqaalaha gobolada. Kulanka waxa gudoomiyaha ku wehelinayey Agaasimeyaasha waaxyaha Qorshaynta, Maamul-wanaaga iyo Wacyigalinta.