Kormeer Dawolada Hoose ee Gabilay.

Komishanka Maamul-Wanaaga JSL - Somaliland Good Governance Commission. Oo ku Samaynaya Kormeer iyo Qiimayn Hanaanka Maamul-Wanaaga ee 23 Degmo Doorasho ee Dalka Xilliga Kale Guurka Doorashada Golaha Deegaanka.

21.03.2020.
----------------------------------------------------------------
Komishanka Maamul Wanaaga JSL Waa Hay,ad Madax banana qarankana u
xilsaaran dersida iyo qiimaynta Nidaamka Maamul ee Hay,adaha Dawladda
iyo kasoo talo bixinta Habka Lagu toosinaayo, sida kucad Xeerka Aasaaska
Komishanka Xeer No 58 qodobkiisa 6aad  Farqadiisa 2aad,
4aad, 5aad, 7aad iyo 8aad, sidoo kalena fulinayna awaamiirta
Madaxweynaha Ee adkaynta Maamul Wanaaga xiliga kala guurka

doorashada Goleyaasha Deeganka iyo Wakiilada.

Sidaa darteed komishanku waxa uu bilaabayaa kormeer iyo qiimayn uu ugu

kuur gelaayo Hanaanka Maamul ee Dawladaha Hoose iyo Habka adeeg
bixineed ee xiliga kala guurka iyo waxa u gabsoomay Mudadii ay joogeen
Xilka.

Waaxda Maamul-Wanaaga.
Komishanka Maamul-Wanaaga JSL.