Komishanka Maamul Wanaaga oo ku guda-jira Adkaynta 23ka Degmo Doorasho Mudada Kalaguurka oo Degmada Hargeisa lagu Gabagabeeyay.

Komishanka Maamul Wanaaga ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 08/04/2021 soo gabagabeeyay kormeerki iyo hawlgalkii lagu adkaynayay Maamul wanaaga, qiimaynta Qorshayaasha iyo Hanaanka Maamulida hantida Dawlada Hoose Ee Hargeisa xiliga kala guurka doorashooyinka deegaanka. 

Kormeerkan iyo Hawlgalkan oo uu hogaaminayey Agaasimaha Guud Ee Komishanka Maamul-Wanaaga JSL Mudane Maxamuud Ismaaciil Cilmi "Deeq " oo ay wehelinayaan Agaasimaha Waaxda Maamul-Wanaaga Mahad Siciid iyo Madax qaybta E-governance Hamse Mohamed. 
Ayaa waxa warbixin  ka siiyay waftiga hawlaha waxqabadkii u qabsoomay DHH iyo hanaanka Maamul-Wanaaga  ee dawlada hoose ee hargeisa, Agaasimaha Waaxda Arimaha Bulshada dawlada hoose ee Hargeisa Khadar iyo Xoghayaha Fulinta Dawlada Hoose Ee Hargeisa.

Ugu danbayntiina xoghayaha Fulinta dawladda hoose ee Hargeisa Siciid Nuur Jaamac oo ay wehelinayaan qayb ka mid ah Agaasime waaxeedyada dawlada Hoose ayaa kormeer ku soo mariyay qaybo ka mid ah waxqabadadii Dawlada Hoose Ee Hargeisa,waftigaa uu Agaasimaha Guud Ee Komishanka Maamul-Wanaaga JSL hogaaminayey.