KOMISHANKA MAAMUL-WANAAGA OO KA QAYB-GALAY SHIR KU SAABSAN DEJINTA HABRAACA WADA-XIDHIIDHKA DAWLADDA

Gudoomiye kuxigeenka GGC LIBAAN ISMACIIL BURAALE Ayaa ka qayb galay shir lagu gurfaynayey Dejinta Siyaasadda Wacyigalinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha .

Ujeedada Kulanka ayaa Daarnaa sidii loogu unki  lahaa siyaasada  Xidhiidhka Dawladda (Government Communication Policy), taas oo wax-weyn ka tari doonta xoojinta xidhiidha wada-shaqeyneed ee Laamaha dawladda, iyo in la darso sidii si wadajir ah loogu baahin lahaa xogta dawladda, isla markaana wacyigelinta bulshadu u baahan tahay loo  middeyn lahaa.
Iyada oo ay Wacyigalintu tahay Xuquuq uu leeyahay qofka muwaadinka ahi, dawladda waxa waajib ku ah inay wacygaliso bulshadeeda si kor loogu qaado wada-shaqaynta Xukuumadda iyo muwaadintiina. 

Gudoomiye Kuxigeenka GGC Ayaa Tibaaxay Muhiimada Ay Leedahay In Layagleelo Habraac Qaran oo Ku Saabsan Wada Xidhiidhka Dawolada,Gudoomiyaha Ayaa Dulistaagay Xidhiidhka ka dhexeeya Maamul wanaaga iyo, Diyaarinta Habraacan  in ay ka mid tahay dadaaladii uu kumishanka iyo Wasaarada Technology-da ay ku diyaariyeen banaamijka E-Governance kaasi  oo Wax Tar Wayn u le Xidhhidhka Dawolada, Waxaa uu soo jeediyay Gudoomiyuhu in ka diyaariyo Tababaro Xoojinaya Fahmka Diyaarinta Habraaca Wada Xidhiidhka Dowlada.

 
Allaa Mahad leh
KOMISHANKA MAAMUL WANAAGA...KMW