KOMISHANKA MAAMUL-WANAAGA OO KA QAYB-GALAY KULANKA WADA-TASHIGA WASAARADDAHA IYO HAY'ADDAHA DAWLADDA EE DEJINTA SIYAASADDA WACYIGALINTA HEER QARAN

 Komishanka Maamul-wanaaga ayaa maanta ka qaybgalay,Kulanka wada-tashiga Wasaaraddaha iyo Hay’addaha Dawladda ee samaynta siyaasadda Wacyigalinta heer qaran oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigalinta JSL.  Kulanka oo lagu gorfeynaayey , noocyada Wacyigalinta ay sameeyaan hay’addaha dawladdu, Caqabadaha haysta iyo siyaabaha looga wada-shaqayn karo Wacyigalinta guud ee Qaranka, waxaana ka soo qaybgalay Wasiiro, Gudoomiyeyaal, Agaasimeyaal Guud, iyo dhamaan Agaasimeyaasha Waaxyaha Warbaahinta, Wacyigalinta, xidhiidhka Dadweynaha iyo Qorshaynta Ee Wasaaraddaha iyo Hay’addaha Dawladda.

Gudoomiyaha Komishanka Maamul-wanaaga  ee JSL, Mudane, DAYIB ADEN HAJI CALI oo hadal ka jeediyey Kulankan ayaa faahfaahiyey Doorka Komishanka Maamul-wanaaga ee dejinta siyaasadda Wacyigalinta Qaranka ee ay hogaaminayso Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigalinta. Waxaanu sheegay in Komishanka Maamul-wanaagu si dhow ay ugala shaqaynayaan Wasaaradda Warfaafinta in Siyaasadda Wacyigalinta Qaranku noqoto mid loo dhan-yahay. Gudoomiyuhu, waxa kale, oo uu xusay in ku dhawaad  kharash dhan 4 billyan iyo badh ay qaranka kaga baxdo arimaha Wacyigalinta ee ay fuliyaan hay’addaha dawladdu. Si kor loogu qaado nidaamka banyaalnimada iyo isla-xisaabtanka, ayuu Gudoomiyuhu sheegay in Komishanka Maamul-wanaagu kala shaqaynayo Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigalinta, dejinta iyo soo-saarista Siyaasadda Wacyigalinta Qaranka oo ay muhiim u tahay in Somaliland yeelato meel lagu mideeyo Wacyigalinta Qaranka.  

Waxa isaguna dhankiisa dood-wadaaga kulankan hadal ka jeediyey Agaasimaha Waaxda Wacyigalinta Ee Komishanka Maamul-wanaaga, Mudane MUUSE CABDILAAHI MUXUMED oo sheegay in dhamaan hay’addaha dawladdu ay fuliyaan wacyigalino kala duwan, hase ahaatee aanay jirin siyaasad guud oo qaran, taas oo ay wada-raacaan hay’addaha xukuumaddu.  Agaasimuhu waxa kale oo uu Wasaaradda u soo jeediyey inay xoojiyaan la shaqaynta waaxyaha Warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha ee hay’addaha dawladda si si kor loogu qaado, tayada Wacyigalinta  Qaranka. Gudoomiyaha waxa  kulankan ku wehelinayey  Agaasimeyaasha Waaxyaha  Waaxda Qorshaynta  iyo Wacyigalinta. Dhankooda waxa iyaguna halkaas hadallo kasoo jeediyey dhammaan kasoo qaybgalayaashii kulanka oo si ballaadhan ugu bogaadiyey in Komishanka Maamul-wanaagu dabagal ku sameeyo fulinta siyaasadaha Qaranka ee  baahi weyn bulshadu u qabto hirgalintooda.