Komishanka Maamul-Wanaaga Oo Gobolka Saaxil Ku Sugan


 Gudoomiyaha Komishanka Maamulwanaaga iyo Komishaner Ahmed ayaa saaka Badhasaabka iyo isku duweyaasha  Gobalka saaxil kulan kula yeeshay xafiiska Badhasaabka. Kulanka komishanka ayaa ku beegmay kulanka todobaad laha ah ee Badhasaabka iyo isku duweyaashu yeeshaan todobaad kasta maalinta Arbacada ah. Gudoomiyaha Komishanka Maamul-wanaaga Mr. Dayib Adan X. Ali  ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay inuu kala soo qayb galo kulankoodan shaqo iyo sida fiican ee ay u soo xaadireen kulanka. Badhasaabka Gobalka ayaa yidhi Komishanka maamul-wanaagu waa meesha la inaga toosiyo ee aynu talada iyo tusaalahaba ka qaadano, waxaanu yidhi muhiim ayay inoo tahay in kulankani ay inagala soo qayb galaan. Intaasi kadib komishanku wuxuu xog waran la yeeshay Isku duweyaasha oo uu ka waraystay waxa uga hirgalay qorsheyaashii sanadka 2021, sidoo kale wuxuu qiimayn ku sameeyey tabarada ay u baahanyihiin, miisaaniyadaha ay ku hawl galaan iyo maamul daadejinta iyo is waafajinta Qorsheyaasha Heer Qaran, Degmo iyo Gobal. Komishanka ayaa tabarada Maamulwanaaga ee Hayadaha Dawladu u baahan yihiin gaadhsiin doona gobolada horaanta 2022. Kulan kani oo lagu gorfeeyey arimaha kor ku xusan ayaa jawi dagan ku soo dhamaaday.