
Komishanka Maamul-Wanaaga JSL
Isniin:01/07/2024 HargeisaKomishanka Maamul-Wanaaga JSL . . ayaa maanta Waxa uu ufuray Tobabar xogsiin ah (InductionTraining) Qaar ka mid ah Xubnaha Cusub ee dhawaan Madaxweynaha Jamuuriyadda Somaliland u soo magaacabay sida Agaasimaha Guud Komishanka Tacliinta Sare, Mudane Ilyas Faarax Xasan,Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Qaybta Amniga Mudane Mubariik Axmed Cali iyo Mareeye Ku xigeenka Hay'adda Wadooyinka JSL, Mudane, Maxamed Axmed Warsame.
kulankan oo Ka qabsoomay Hoolka Shirarka ee Komishanka Maamul-Wanaaga JSL .
Ugu danbaynti Gudoomiyaha Komishanka Maamul-Wanaaga JSL . Mudane, Liibaan Ismaciil Cabdilahi ayaa uga Mahad celiyay Xubnaha sida hufan ee ay uga Faa'iidaysteen
Allah Mahad Leh
"Xafiiska Wacyigalinta&Xidhiidhka Dadwaynaha We KMW