Komishanka Maamul-wanaaga JSL, Xilwareejin

Gudoomiye-kuxigeenka Komishanka Maamul-wanaaga JSL, Mudane Liibaan Ismaaciil Cabdilahi ayaa maanta xilkii u kala wareejiyey  Wasiirka cusub ee Wasaaradda Cadaalada, Mudane Saleebaan Warsame Guuleed  iyo Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Cadaalada oo ah wasiirka  Wasaaradda Shaqo Galinta, Arimaha iyo Arimaha Bulshada  iyo Qoyska, Mudane Mustafe Godane Cali Bile.

Munaasibadan oo ka qabsoontay Xarunta Wasaaradda  Cadaalada ayuu Gudoomiye-kuxigeenku Komishanka Maamul-wanaagu kula dardaarmay masuuliyiinta inay ka midho-dhaliyaan hawlaha qaranka Ee Loo igmay iyagoo ku salaynaya Mabaadiida Maamul-wanaaga.