KOMISHANKA MAAMUL-WANAAGA JSL, OO KORMEER IYO QIIMAYN KU SAMEEYAY HANAANKA MAAMUL-WANAAGA EE DAWLADA HOOSE EE BOORAMA.

Wefdigii uu hogaaminayey Agaasimaha Guud Ee Komishanka Maamul-Wanaaga JSL, mudane Maxamuud Ismaaciil Cilmi "Deeq",ayaa maanta kulan la qaatay Badhasaabka Gobolka Awdal,Mudane Maxamed Axmed Caalin.Kulan kaas oo daarnaa sidii loo dardar galin lahaa shaqada haayadaha dawlada dhexe iyo sidii nidaamkooda shaqo uugu suntanaan lahaa maamul wanaaag . 

Komishanku iyaga oo sidoo kalena fulinayna Awaamiirta Madaxweynaha Ee Adkaynta Maamul Wanaaga xiliga kala Guurka Doorashada Goleyaasha Deeganka
waxa kale oo uu kulan la qaatay Maayarka Degmada Boorama,Mudane  Saleebaan xasan Xaddi iyo Xoghayaha Fulinta Dawlada Hoose Ee Boorama,Mudane Maxamed Aadan si ay ugu kuur Galaan Hanaanka Maamul ee Dawlada Hoose iyo Habka adeeg bixineed ee xiliga kala guurka iyo waxa u Qabsoomay Mudadii ay joogeen Xilka. 

Waxa kale oo ay Waftigu soo kormeereen mashaariic ay dawlada hoose ee Boorama ka hirgalisay Degmada Boorama kuwaas oo ay ka mid yihiin MCH yo, Dugsiyo iyo wadooyin.

Waaxda Maamul-Wanaaga KMWSL.