KOMISHANKA MAAMUL-WANAAGA JSL, OO KORMEER IYO QIIMAYN Ku Saabsan HANAANKA MAAMUL-WANAAGA Kafuliyay DAWLADA HOOSE EE Laascanood

Gudoomiyaha komishanka Maamul-Wanaaga JSL Mudane Dayib Aadan X Cali Oo uu Weheliyo Agaasimaha Waaxda Maamul-Wanaaga Ee komishanka Maamul-Wanaaga JSL Oo Kulan la qaatay Badhasaabka Gobolka Sool Mudane Cabdiqani Maxamuud Jiidhe iyo Maayarka Degmada Laascaanood Mudane Cabdicasiis Xuseen Taarwale.
Kulankaas Oo ay kaga wada Hadleen sidii loo ilaalin lahaa Nidaamka Maamul Wanaaga iyo Adkaynta Awaamiirtii madaxweynaha JSL Mudane Muuse Biixi Cabdi, Madaama Dalku Galayo Doorasho. 

Ugu horayn Gudoomiyaha Komishanka Maamul-Wanaaga JSL Mudane Dayib Aadan X Cali ayaa ka war bixiyay safar ka ay ku yimaadeen magaalada Laascaanood ayaa yidhi: Komishanka Maamul-Wanaagu waxa uu qaranka u qaabilsan yahay ilaalinta Hanaanka Maamul wanaaag iyo Talo ka soo bixinta Habka lagu Toosinaayo, iyadoo taa laga duulaayo ayaa komishanka Maamul-Wanaagu Gobolada Dalka ugu kale baxay safar shaqo oo la xidhiidha ilaalinta Hanaanka Maamul wanaaag iyo Talo ka soo bixintiisa habka lagu Toosinaayo ee 23 ka degmo doorasho ee dalka.
Isaga oo komishanku fulinaaya awaamiirtii madaxweynaha ee ahaa in la ilaaliyo Nidaamka Maamul wanaaag iyo Isla Xisaabtanka ee xiliga kale guurka doorashada,  ayay shaqadana qayb ka tahay.

Madaama oo maayarada golaha deegaanka ee wakhtigoodu sii dhamaanaayo qaarkood sharaxan yihiin, sidaa awgeed waxa aanu la shaqayn doonaa Badhasaabada gobolada oo dawlada dhexe matalaaya iyo Xoghaya yaasha Fulinta Dawlada Hoose oo iyaguna Wasaarada Arimaha Gudaha ma talaaya.
Ugu danbayn waxa aan idinku amaanayaa sida fiican ee uu noola shaqeeyo Maamulka Gobolka Sool.
Wax kale oo aanu dul tagi doonaa waxa ay golaha deegaanka Degmada Laascaanood u qabteen bulshada mudadii ay xilka hayeen ilaa 2012 kii ahayd, si kuwa uga danbeeyaa halkaa uga sii amba qaadi lahaayeen.

Waxa isna halkaa ka hadlay Maayarka Degmada Laascaanood oo Mudane Cabdicasiis X.Taarwale oo sheegay in uu soo dhawaynaayo komishanka Maamul-Wanaaga kuna faraxsan yahay kormeer kooda.
Waxa kale oo uu sheegay in Maamulka oo la wanaajiyaa ka mid tahay sunnaha dawladnimada. Habraacyadii ay komishanka Maamul-Wanaagu u keeneen 2020 kiina ay ku shaqeeyeen oo ay raaceen feed back siina ay ka heleen soona dhawaynayaan Gudoomiyaha Komishanka Maamul-Wanaaga iyo waftigiisa, isla xisaabtankuna yahay shay muhiim ah.

Sidoo kale Gudoomiyaha Gobolka Sool Mudane Cabdiqani X. Jiidhe ayaa sheegay kormeer ka Gudoomiyuhu ugu kuur galaayo Hanaanka Maamul Wanaaga yahay mid muhiim ah oo wakhtigii loo baahnaa yimid.
Madaama oo xili kale guur ah lagu jiro, oo Doorasho la galaayo.
Sida xeerka komishanka doorashooyinku ina faraayana la kale saaro shaqaalaha dawlada iyo masharixiinta doorashooyinka iyo in la ilaaliyo hantida dawlada inaan lagu olalayn, oo sida madaxweynuhu ina faraayana aynu ilaalino.
komishanka Maamul-Wanaaga ay soo dhawaynayaan,wixii khaldana ay saxaan oo ay toosiyaan lana wadaagaan na Maamul ka Gobolka. 

Gunaanadkiina waxa uu Gudoomiyaha Komishanka Maamul-Wanaaga Mudane Dayib Aadan X Cali uu kormeeray wixii u qabsoomay Golaha Deegaanka Laascaanood Mudadii ay Xilka Hayeen.

     


Waaxda Maamul Wanaaga KMWSL 2021.