
Komishanka Maamul-wanaaga JSL Oo Daah Furay Siyasaada Maamul Wanaaga Qarank.
Komishanka Maamul-wanaaga JSL Oo Daah Furay Siyasaada Maamul Wanaaga Qarank.----------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------
" Isla-xisaabtanka iyo Daah-furnaanta ayaa fure u ah Maamul-wanaaga aan doonayno in aan Gaadhno”
--------------------------------------------------------------------------
Hargeysa (10-09-2025) Munaasibad lagu daah furay Siyaasada Maamul-wanaaga Qaranka ayaa lagu qabtay hudheelka Ambassador Ee Magaalada Hargaysa maanta, waxaana ka soo qaybgalay, Gudoomiyaha Komishanka Maamul-wanaaga, Gudoomiye ku xigeenka Komishanka Maamul Wanaaga,Xubnaha Guddiga Maamul Wanaaga, Lataliyayaasha iyo Agaasimeyaasha Waaxyaha.
Ugu horayn Gudoomiye kuxigeenka Komishanka Maamul-wanaaga Garyaqan Madar Siciid,ayaa soo dhaweeyay ka qaybgaleyaasha isagoo uga mahadceliyay inay wakhtigooda u soo hureen inay Komishanka kala soo qaybgalaan Kulan tashiga koowaad ee siyaasada Maamul Wanaaga Qaranka. Intaas kadibna Lataliyaha Komishanka Maamul-wanaaga, ayaa sharaxaad iyo faahfaahin ka bixiyey Siyaasada Maamul Wanaaga qaranka.
Dhanka kale, waxaa ka soo qayb galay kulankan Wasiirka Wasaarada Maalgashiga & Horumarinta Warshadaha, Gudoomiyaha Hay'adda NADFORD, Gudoomiyaha guddiga dib u habayn a shuruucda,Maareeye Kuxigeenka Madbacada Qaranka,Gudoomiye kuxigeenka Dhowrista Tayada, Agaasime kuxigeenka Maxadka shaqaalaha Dawladda iyo Madaxda Hay’adda EUCAP iyagoo hadalo ka jeediyey munaasibadan. ayaa xusay in ay si dhaw ula shaqeeyan Komishanka Maamul-wanaaga, iyagoo xusay inay muhiimad gaar ah u leedahay Qaranka
Gudoomiyaha Komishanka Maamul-wanaaga Dr. Adam Ahmed oo munaasibadan hadalo ka jeediyey ayaa ku nuux nuuxsaday isla-markaana sharaxaad ka bixiyey ujeedada munaasibadan iyo daahfurka, kulan tashiga Koowaad ee siyaasada qaranka wuxuuna yidhi Gudoomiyuhu"si loo helo hay’ado dawladdeed oo ku dhisan Mabaadiida Maamul- Wanaagga kuwaas oo inoo horseedaya in masuuliyiinta qaranku ay u gutaan waajibaadkooda shaqo si habsami ah, isla markaana lagula xisaabtami karo masuuliyadaha ay u hayaan bulshada, waxa ay xoojinaysaa hirgelinta hannaanka maamul wanaagga
Sidaa darteed, isagoo Komishanku fulinaaya qorshaha siyaasadeed ee u dejisan toosinta hannaanka maamul ee kaga aaddan qaranka, waxa uu dib u eegis ku sameeyay Siyaassadda maamul Wanaagga Qaranka oo ay ku dhaqmi doonaan dhammaan hay’adaha qaranku, Komishankuna ku daba geli doono ku dhaqankeeda.
Allah Mahad Leh
“Xafiiska Wacyigalinta&Xidhiidhka Dadweynaha Ee KMW”
