Komishanka Maamul-wanaaga JSL Oo Daah Furay Qorshaha Istiraatijiyada Fog Ee 2021-2023 uu ku hawlgalayo.

Komishanka Maamul-wanaaga JSL Oo Daah Furay Qorshaha Istiraatijiyada Fog Ee 2021-2023 uu ku hawlgalayo.
----------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------
"Waxaan runtii Higsanaysaa inaan Dhammaanba ku guulaysano Ahdaafta Komishanka  ugu xilsaaran yahay Qaranka oo ah in Maamul-wanaagu ka hana qaado gayiga Somaliland”.
--------------------------------------------------------------------------
Hargeysa (19-01-2021) Munaasibad lagu daah furay Qorshaha iyo Istiraatijiyada Komishanka Maamul-wanaaga Qaranka Ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa  lagu qabtay hudheelka Baraar Ee Magaalada Hargaysa maanta, waxaana ka soo qaybgalay,   Gudoomiyaha Komishanka Maamul-wanaaga, Wasiirka Wasaaradda Arimaha, Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolojiyadda, Wasiir-kuxigeenada Wasaaradaha Maaliyadda iyo Qorshaynta, Agaasimaha Guud Ee Komishanka Maamul-wanaaga, Agaasimeyaasha Waaxyaha, Wacyigalinta, Qorshaynta,  Maamul-wanaaga  Ee Komishanka, xubno ka socday garsoorka dalka,  Agaasimeyaal guud,   Madaxda Hay’adaha dawladda, masuuliyiin ka socday hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa Maxaliga ah, Aqoonyahano, Jaamacadaha Dalka iyo muddan kale oo lagu casuumay ka qaybgalka Munaasibadan.  

Agaasimaha Guud Ee Komishanka Maamul-wanaaga ayaa ugu horayn soo dhaweeyey ka qaybgaleyaasha isagoo uga mahadceliyey inay wakhtigood u soo hureen inay Komishanka kala soo qaybgalaan shaacinta qorshaha sadexda sannadood ah Ee Komishanku ku shaqayn doono.   Intaas kadibna Lataliyaha Komishanka Maamul-wanaaga, Mudane, Abdihakim Sulub ayaa faahfaahin ka bixiyey qorshahan iyo waxa uu xambaarsan yahay, isagoo ku dheeraaday hanaanka loo fulin karo  iyo si ay Bulshada loo adeegayaa u ogaan lahaayeen halka maamul-wanaagu marayo iyo halka la hiigsanayo.

Dhanka kale,  Wasiirkuxigeenada , Wasaaradaha Maaliyadda iyo Qorshaynta  ayaa iyaguna hadal ka jeediyey munaasibadan. Mudane, Abdiqadir  Cumar Jaamac,  wasiir kuxigeenka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka ayaa xusay in wasaaradda qorshayntu ay si dhaw ula shaqayso Komishanka Maamul-wanaaga, isagoo xusay inay muhiimad gaar ah u leedahay Qaranka in maamul-wanaaga la barro Bulshada Somaliland si horumarka la hiigsanayo loo gaadho.  Wasiirkuxigeenka Maaliyadda Somaliland, Mudane,  Muuse Ibraahin Yuusuf ayaa isaguna dhankiisa xusay in ka wasaarad ahaan  ay soo dhaweynayaa qorshahan Komishanka maamul-wanaaga, xusayna inay Wasaaradda maaliyaddu ku kaabi-doonto wixii dhaqaale ah ee loo baahan yahay in lagu hirgaliyo qorshahan sadexda sannadood ah Ee hirgalinta maamul-wanaaga. 
Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolojiyadda, Dr. CabdiWali Cabdilaahi Suufi  ayaa xusay in wasaaradiisu ay horeba ula shaqaynaysay Komishanka maamul-wanaaga Qaranka, iyagoo ka wada-shaqaynayey  arimaha maamul-wanaaga Ee Loo yaqaano (E-governance) oo mustaqbalka dhaw ladoonayo in dalka laga hirgaliyo, maantana ay ku faraxsan yihiin inay Komishanka ay  la hirgaliyaan qorshan sadexda sannadood ah   Ee la daahfuray maanta.  

Gudoomiyaha Komishanka Maamul-wanaaga Dayib Aadan Xaaji Cali  oo munaasibadan hadal ka jeediyey ayaa ku nuux nuuxsaday isla-markaan sharaxaad ka bixiyey ujeedada munaasibadan iyo daahfurka, wuxuuna yidhi Gudoomiyuhu"Waxaan runtii Higsanaysaa inaan Dhammaanba ku guulaysano  ujeedooyinka Komishanka  Maamul-wanaagu, ugu xilsaaran yahay Qaranka oo ah in Maamul-wanaagu ka hana qaado gayiga Somaliland, maantana waxa aan idiinku yeedhnay inaad markhaati ka noqotaan, isla-markaana aad nala hirgalisaan qorshahan sadexda sannadood ah Ee uu Komishanku ku hawlgali doono”.  Gudoomiye Dayib ayaa xusay inay ka go’antahay in Qaranka Somaliland uu hirgaliyo mabaadiida maamul-wanaaga si loo horumariyo isla-xisaabtanka iyo Banyaalnimada ku aadan hawlaha Qaranka, isagoo uga mahadnaqay, Madaxweyanaha Somaliland Mudane-Muuse Biixi Cabdi oo ku garabtaagan in Komishanka Maamul-wanaagu hirgaliyo qorshahan sadexda Sannadood ah (2021-2023). 
Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, ayaa si rasmiya u daahfuray  Qorshaha Sadexda Sannadood ah Ee Komishanka Maamul-wanaagu ku hawlgali doono, isagoo xusay in Komishanku yahay hay’adda kaliya Ee u xilsaaran Maamul-wanaaga Qaranka, sharafna ay u tahay in Xukuumaddu xoojiso hay’adan  oo runtii ah mid hirgalin karta mabaadiida maamul-wanaaga Ee qarankani hiigsanayo.  Wasiirku waxa kale, oo uu ku dheeraaday halka uu maamulka dawliga ah Ee Somaliland ka soo bilaabmay iyo  maanta halka uu marayo,  isagoo xusay in horumar balaadhan laga gaadhay hanaanka dawladnimada  oo qaran ahaan Somaliland ay maanta marayso inay bixiso dhamaanba Kharashaadka lagu hirgalinayo doorashooyinka Qaranka iyadoo aanay cidna caawinin. Ugu dambayntiina wasiirku waxa uu xusay in Komishanka Maamul-wanaagu uu qiimayn ku samayn karo arimaha maamul-wanaaga ee lagu guulaystay, iyo kuwa la hiigsanayo, isagoo xusay in wasaarada Arimaha Gudaha iyo Komishanka Maamul-wanaagu  ka wada-shaqeeyaan qaybta Maamul-wanaaga Ee Qorshaha Horumarinta Qaranka ( Governance sector). 
Qaar ka mid ah masuuliyiinta ka socday hay’adaha dawladda, Ururadda Maxaliga ah kuwa caalamiga ah oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa Komishanka Maamul-wanaaga ku amaanay doorka ay ku leedahay Qaranka, islamarkaana sheegay  inay soo dhaweynayaan dardarta cusub ee Komishanku lasoo kacday. Dood iyo falanqayn dheer kadib, Madaxda Komishanka Maamul-wanaaga ayaa gabogabeeyey munaasibadan iyagoo  u mahadceliyey madaxdii iyo dadweynihii ka soo qaybgalay Kulanka daahfurka Qorshaha Sadexda Sannadood ah Ee Komishanka Maamul-wanaaga. JSL.