Komishanka Maamul Wanaaga iyo Adkaynta Maamul Wanaaga ee 23ka Degmo Doorasho ee Dalka.


Komishanka Maamul Wanaaga ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 24/03/2021 ka bilaabay hawlgal lagu adkaynayo Maamul wanaaga 23 degmo doorasho,degmada Ceerigaabo

 Gudoomiyaha Komishanka Maamul-Wanaaga Mudane Dayib Aadan X-Cali oo uu Weheliyo Agaasimaha Waaxda Maamul Wanaaga ayaa waxay uu kuur galeen golaha deegaanka Ceerigaabo ee waqtigiisu dhamaanayo wixii u qabsoomay 10dii sano ee ay joogeen. Waxaa kaloo Komishanku qiimeeyey habraacii sanadkii 2020 uu u sameeyey Dawladdaha hoose siday u dabaqeen iyo siday ugu shaqeeyeen ba. 

Komishanka waxaa uu ku adkeeyey gudoomiyaha gobolka Axmad Cismaan Xasan

Iyo xoghayaha Fulinta Dawlada hoose ee Ceerigaabo Siciid Cumar Caabi.  inay ilaaliyaan awaamiirtii madaxweynaha ee xiliga kala guurka doorashooyinka deegaanka iyo Wakiilada, taas oo ay si wada jira u soo dhaweeyeen Gudoomiyaha Gobolka iyo xoghaya Fulinta dawlada hoose ee degmada 
Ceerigaabo, kormeerkan iyo dabagalkan uu komishanku samaynaayo.

Ugu dambayntiina xoghayaha Fulinta dawladda hoose ayaa dul-kormeeray waxqabadkii golaha deegaanka ee Ceerigaabo.

#Waaxda_Maamul_Wanaaga_2021.