Agaasimaha Guud Ee Komishanka Maamul-Wanaaga JSL Mudane Maxamuud Ismaaciil Cilmi "Deeq " ayaa soo kormeeray Hanaanka Maamul wanaaaga golaha deegaanka Degmada Baligubadle ee waqtigiisu dhamaanayo wixii u qabsoomay 10kii sano ee ay joogeen. Waxaa kaloo Komishanku qiimeeyey habraacii sanadkii 2020 uu u sameeyey Dawladdaha hoose siday u dabaqeen iyo siday ugu shaqeeyeen ba.
Agaasimaha Guud Ee Komishanka Maamul-Wanaaga JSL Mudane Maxamuud Ismaaciil Cilmi "Deeq "waxaa uu ku adkeeyey xoghayaha Fulinta Dawlada hoose in uu ilaaliyo awaamiirtii madaxweynaha ee xiliga kala guurka doorashooyinka deegaanka.
Gudoomiyaha Gobolka Hawd Axmed Cige Maxamed , Maayarka Baligubadle Cabdi Iimaan Jaamac iyo Xoghayaha Fulinta dawlada hoose Saalax Muxumed Idiris Shiine, ayaa u mahad naqay soo na dhaweeyay kormeerkan iyo dabagalkan uu komishanku samaynaayo.
Ugu dambayntiina xoghayaha Fulinta dawladda hoose, Maayarka Baligubadle, Gudoomiyaha Gobolka Hawd iyo Agaasimaha Guud Ee Komishanka Maamul-Wanaaga JSL ayaa kormeeray waxqabadkii golaha deegaanka ee Baligubadle.
#Waaxda_Maamul_Wanaaga_2021.
Read More
Jun 29, 2022
Dersidda iyo Qiimeynta Hanaanka Maamul Wanaagg Ee Wasaaraddaha Iyo Hay'addaha Dawladda Ee Madaxbanaan.
Dersidda iyo Qiimeynta Hanaanka Maamul Wanaagg Ee Wasaaraddaha Iyo Hay'addaha Da...